Hay’ada nabadsugida qaran ka Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajisay inuu soo hagaagay amaanka magaalada Muqdisho xili habeenkii xalay ahaa ay kooxo bistoolado ku hubeysan dhaawac u geysteen wariye katirsan wariyayaasha idaacada Shabelle.
Khaliif Axmed Ereg oo ah taliyaha nabadsugida gobolka Banaadir ayaa sheegay inay wada shaqayn fiican ka dhexayso shacabka ku dhaqan caasimada Muqdisho iyo laamaha amaanka qaranka taasina ay wax weyn ka qabatay amniga guud ahaaneed ee caasimada Muqdisho.
Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay soo gaba gabowday diiwaan gelinta iyo tirakoobka shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho isaga oo sidoo kalena sheegay inay dadka iska leh guryaaha uga digeen inaysan ka kireynin guryahooda dad aan isasoo diiwaan gelin hadii kale ay suurta gal tahay in lagusoo dhex dhuunto.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo yara hagaagayay inkastoo ay wakhti dheer u baahantahay sidii amaanka gacanta loogu wada dhigi lahaay maadaama hubku uu yahay weli mid gacanta ugu jiro shacabka Soomaaliyeed.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com