Hay’ada nabadsugida oo Muqdisho kusoo bandhigtay maleeshiyooyin Alshabaab ah. (Sawiro)

Hay’ada nabadsugida qaranka ayaa waxa ay maanta kusoo bandhigtay ragg ay ku sheegtay inay Alshabaab ka tirsanyihiin oo ay tiradoodu gaarayso 7.

Ragga lasoo bandhigay oo ahaa dhalinyaro ayaa lagu sheegay in lagusoo qab qabtay howlgalo ay ciidamada nabadsugida qaranka ka fuliyeen degmooyinka, Yaaqshiid, Hiliwaa iyo Daayniile.

Sidoo kale ragga lasoo bandhigay ayaa waxaa kamid ahaa sarkaal katirsan Xarakada Alshabaab sida uu sheegay taliyaha ciidamada nabadsuiga qaranka ee gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg.

Taliyuhu waxa uu sheegay inay howlgal cayiman oona bartilmaameed leh ay kusoo qabteen raggaan islamarkaasna ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah haraadiga Alshabaab ee weli ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

Soo bandhigida raggaan lagu sheegay inay Alshabaab ka tirsanyihiin ayaa kusoo aadayso xili qaraxyo kala duwan ay ka dhaceen maanta gudaha magaalada Muqdisho kuwaasoo ay ku dhinteen 2 qof oo rayid ah halka 5 kale oo uu xildhibaan ku jirana ay ku dhaawacmeen.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID