Saturday, May 25th, 2013

Hay’ada nabadsugida oo maanta soo bandhigtay dhalinyaro Shabaab ah oo uu kujiray mid rabay inuu is qarxiyo. (Sawiro)

Hay’ada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay sadex dhalinyaro ah oo lagusoo qabtay Ex-Control Afgooye xili ay damacsanaayeen inay falal uu kujiro is miidaamin ka geystaan qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah wiilasha lasoo qabtay ayaa waxa uu xirnaa jaakad lagasoo buuxshay walxaha qarxa isaga oo damacsanaa inuu isku qarxiyo jaamacadii Ummada oo ay hada deganyihiin ciidamada midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi.

Ismaaciil Cumar Sheekh Nuur oo ahaa ninka lagusoo qabtay walxaha qarxa ayaa u sheegay hay’ada nabadsugida inuu katirsanaa Alshabaab mudo laba sanadood ah uuna damacsanaa inuu isku qarxiyo jaamacadii Ummada balse ay ciidamada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya soo qabteen kahor intii uusan geysan falka isqarxinta ah.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply