Sunday, May 26th, 2013

Hay’ada nabadsugida oo ku hanjabtay inay dowlada la wareegayso gurigii hub iyo waxyaabaha qarxa laga helo.

Hay’ada nabadsugida qaranka Soomaaliyeed ayaa waxa ay maanta kusoo bandhigtay magaalada Muqdisho ilaa 80 dhalinyaro ah oo lagusoo eedeeyay inay ka tirsanaayeen Alshabaab.

Khaliif Axmed Ereg, taliyaha nabadsugida gobolka Banaadir ayaa sheegay in dadkaan lasoo qabtay dembiyadooda ay 80% yihiin qiraal isaga oo sidoo kalena sheegay in howlgaladii xalay ilaa doraad lagusoo qab qabtay.

“Howl galadii xalay ilaa doraad socday waxaa ku soo qabanay ilaa sideedan dhalinyaro oo kuwii ugu dambeeyay ee amniyaadka loo soo diray, lixdii maalmood waxba kama dhicin magaalada, kuwaas qaarna waa la turxaan bixiyay, dambiyadooda 80% waa qiraal”ayuu yiri Khaliif Axmed Ereg.

Dhanka kale waxa uu sheegay Mr Ereg inay dowladu la wareegayso gurigii laga helo hub iyo waxyaabaha qarxa, ”Cidii guri ka kireyneysa qof waa inay keentaa xarunta degmada, ama nabadsugida ama saldhiga, laakiin si hoose ama si mugdi uga kireynayaa hadii ay dhacdo, oo gurigaas laga helo hub iyo waxyaabaha qarxa, gurigaas dowladda waa la wareegeysa”ayuu yiri.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanayay maalmihii ugu dambeeyay ayada oo ay ka dhaceen magaalada dilal qorsheysan oo loo geystay dad kala duwan.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply