Wednesday, May 22nd, 2013

Hawlwadeenada shabakada Baidoa media oo tacsi u dirayo qoyska Eng. Cali Xaaji Shirwac.

Guud ahaan hawlwadeenada iyo maamulka Shabakada warbaahinta baidoamedia.com ayaa waxa ay halkaan tacsiyo tiiraanyo leh uga dirayaan qoyska iyo ehelka Injineer Cali Xaaji Shirwac oo ay gacan ka qax daran ku dishay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan xili uu injineerku ku sugnaa goob ganacsi oo uu ku leeyahay magaalada Beledweyne.

Tacsiyada ayaa waxa ay ku socotaan carruurtaa Allaha u naxariistee injineer Cali Xaaji Shirwacan oo kala ah,

Ayaan Cali Xaaji Shirwac

Liibaan Cali Xaaji Shirwacan

Leyla Cali Xaaji Shirwac

Maxamed Deeq Cali Xaaji Shirwac

Cabdifitaax Cali Xaaji Shirwacan

Cabdirisaaq Cali Xaaji Shirwac

Foos Cali Xaaji Shirwac

Cabdullaahi Cali Xaaji Shirwac iyo carruurta injineerka ee bah yaradiisa oo ku nool magaalada Beledweyne iyo guud ahaan ehelkiisa oo ku kala nool guud ahaan gobolka Hiiraan iyo weliba qaaradaha kala duwan ee caalamka.

Maamulka iyo hawlwadeenada baidoamedia.com ayaa waxa ay Illaah uga baryayaan marxuum Cali Xaaji Shirwac inuu janadii Fardowso ahayd ka waraabsho, qoyskii iyo ehelkii uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply