Wednesday, May 22nd, 2013

Hawlgaladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay oo lagusoo qab qabtay 89 saraakiil Alshabaab ah.

Wasaarada warfaafinta dowlada KMG Soomaaliya ayaa war saxaafada loogu talagalay ku sheegtay inay ilaa iyo 89 u badan saraakiil Alshabaab ah xabsiga dhigeen ciidamada nabadsugida iyo kuwa amaanka magaalada Muqdisho.

“Xoogag ka kala socda hay’adaha dowladda ee amniga oo ka kooban Booliska, Nabadsugidda iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalo balaaran ka sameeyay sitimaankii tagay qeybo ka mid ah caasimadda oo ay ku dhuumanayeen xubno ka tirsan ururka argagixisada ee Al Shabaab. Howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay 89 saraakiil oo ka tirsan ururka argagixisada kuwaas oo gacanta lagu hayo”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

“Qorshaha howlgalka ayaa ah mid lagu wiiqayo haraadigii ururka argagixisada ee Alqaacido, maadaama ay caasimadda u diyaar garoobeyso soo dhaweynta ergada iyo howlihii dhameystirka tubta nabadda, taas oo wadada u xaareysa dowlad dhameystiran oo ka kooban bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan” ayaa dhanka kale lagu sheegay war saxaafadeedka.

Ciidamada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ayaa waxa ay maalmihii ugu dambeeyay ka wadeen gudaha caasimada Muqdisho hawlgalo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee caasimada.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply