” Alshabaab waan kaga guuleysanaya dagaalkii Muqdisho oo guud ahaanba waan ka saarnay gobolka Banaadir” waa hadalada ay inta badan adeegsadaan masuuliyiinta dowlada KMG Soomaaliya iyo weliba saraakiisha sare ee ciidamada AMISOM marka ay ka hadlayaan shirarka jaraa’id iyo weliba masraxyada caalamiga ah, balse waxaa su’aal ay ka taagantahay cida soo qaada weerarada habeenkii lala beegsado goobaha muhiimka u ah dowlada KMG Soomaaliya sida xarunta madaxtooyada oo ah halka ay deganyihiin masuuliyiinta ugu sareysa dowlada KMG Soomaaliya, sida madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka iyo weliba raisalwasaaraha xukuumada Soomaaliya.
Talow ma Alshabaab baa weerarada soo qaada ama dowlada ayaa lugaha isku dhegan oo ayada ayaaba is duqeyso?
Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday golaha murtida iyo madadaalada magaalada Muqdisho ee ay ku dhinteen masuuliyiintii isboortiga Soomaaliya islamarkaasna uu ka bad baaday raisalwasaare Gaas oo xiligaas khudbad ka jeedinayay tiyaatarka qaranaka, waxaa soo badanayay shakiga soo kala dhex galay masuuliyiinta dowlada KMG Soomaaliya!
Baaritaan la sheegay in lagu hayo cidii ka dambeysay qaraxii tiyaatarka ayaa waxa uu noqday mid aanay wax muuqdka kasoo bixin, welina sidii ayay su’aashii ahayd cida ka dambeysay qaraxaas u taagantahay.
Dowlada KMG Soomaaliya dhexdeeda waxaa kajiro khilaaf ba’an oo xaga dastuurka qabyo qoraaleedka ah kaasoo ay qaylo dhaan daran ka keeneen xubno hogaamiye kooxeedyadii hore ay kamidyihiin, xildhibaano, siyaasiyiin, buslahada rayidka iyo weliba qaybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed kuwaasoo in badan oo ayaga ahna ku suganyihiin magaalada Muqdisho oo ah fadhiga dowlada KMG Soomaaliya.
Hadaba marka loo fiiriyo mucaaradada ka dhanka ah dastuurka cusub iyo weliba ayada oo uu hubku weli gacanta ugu jiro dadka caadiga ah, waxaa suurta gal ah inay jiraan Shabaabyo badan taasoo micnaheedu yahay inay jiri karaan dad ka faa’idaysanaya khilaafka dowlada dhexdeeda ah sidaasna weeraro ku fulinayo.
Alshabaab waa urur qaab dhismeedkiisu xooganyahay, sirdoonkiisuna sareeyo, isla markaasna beegsada goobaha ay masuuliyiinta dowlada KMG Soomaaliya iskugu yimaadaan oo ayna u arkaan inay fursad ka jirto, balse waxaa is weydiin mudan, haddii deegaanka Darmooleey oo ah xadka gobolada Banaadir iyo Shabeelada dhexe iyo weliba halka loo yaqaano Sarkuusta oo dhacda inta u dhexayso gobolada Banaadir iyo Shabeelada hoose ku suganyihiin ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, magaalada Muqdishana ay ka hawlgalaan kumanaan ciidamo sirdoon dharcad ah oo loo yaqaano PS, Shabaabka hoobiyayaal ku garaacayo madaxtooyada habeen kasta, waa kuwama, mise waxaa jiro Shabaabyo badan, waxa loo yaqaano afka Ingiriiska ”Enemy within” ama cadawga gudaha ayaa jiro?
Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqato inay dowladu dhexdeeda is turun tureynayso oo ay lugahana isku dhegantahay, ayada oo ay taasina wiiqday waxqabadkii loo igmaday dowlada KMG Soomaaliya oo uu hadaba baarlamaankeedu u kala qaybsanyahay labo oo ay kala hogaaminayaan gudoomiyaha sida sharciga ah loo aqoonsanyahay ee Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo weliba gudoomiyaha ay xubno badan oo baarlamaanka KMG Soomaaliya ah doorteen ee Madoobe Nuunow Maxamed.
Iskusoo wada duube, Shabaabyada cusub ee kasoo dhex baxay gobolka Banaadir waxa ay ku fushan doonaan arimahooda daaha gadaashiisa ayaga oo wixii ay geystaanba Shabaab loo saarin doono.
Baidoa media Editorial.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com