Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka KMG Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo dhaweeyay gudi uu dhawaan magacaabay madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed kaasoo loogu talagalay inay wadahadalo la galaan Somaliland.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxa uu sheegay in wadahadal waxkastaba lagasuu afjari karo islamarkaasna looga baahanyahay dowlada KMG Soomaaliya inay wanaajiso walaalaha Waqooyi Galbeed Soomaaliya ee la magacbaxayay Somaliland maadaama ay tabanayaan waxyaabo badan.
Hadalka kasoo yeeray gudoomiyihii hore ee Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ee ah soo dhaweynta gudiga wadahadalka la galayo Somaliland ayaa imanaya ayada oo laga dhursugayo laba gudi oo ay kala magacaabeen madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Somaliland kuwaasoo dhawaan la filayo inay isku arkaan magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.
Somaliland waxa ay horay ugu dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale balse mudo sanado 20 sano ah ma jiraan wax dowlado caalamka ah oo aqoonsaday kamana mid ahan ururada caalamiga ah ee aduunka ka dhisan.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com