Gudoomiyihii gudiga ganacsatada suuqa Bakaaraha Allaha u naxariistee Cali Maxamed Siyaad Cali Dheere ayaa maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Malaysia sida uu sheegay wiil uu dhalay Cali Dheere oo lagu magacaabo Maxamed Cali Maxamed.
Allaha u naxariistee Cali dheere ayaa xanuun xaga jilibka ah loogu qaaday dalka Malaysia sida uu wiilkiisa sheegay isaga oo intaas raaciyay in saakay 10:00 subaxnimo geeriyooday laguna wado in meydkiisa la keeno dalka si loogu aaso gudaha dalka Soomaaliya.
Allaha u naxariistee Cali Dheere ayaa da’diisa waxa ay ahayd 70 sano sida uu sheegay wiilkiisa Maxamed Cali Maxamed.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com