Gudoomiye Tarsan oo fariin culus u diray dhalinta kasoo laabanayso qurbaha ee u damaashaad tagta xeebaha Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Tarsan ayaa waxa uu fariin culus u diray dhalinyarada qurbaha kasoo laabanayso ee u damaashaadka taga xeebaha Liido iyo Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Tarsan waxa uu sheegay innaan loo baahnayn in dhaqanka iyo anshaxa lagu tunto islamarkaasna ay wiilal iyo gabdho weli haysta dhaqanka reer galbeedka siday doonaan ku sameeyaan xeebaha ay dadka oo dhan iskugu imaanayaan.

” Waxaa haboon in dhalintaas ay maskaxda ku hayaan inay joogaan dal leh diinta iyo anshaxa suuban oo u baahan in la ilaaliyo, marnaba lagama yeelayo inay gabar yar oo aan wax aqlaaq ah lahayn ku tumato diinta iyo anshaxa wanaagsan ama wiil dhalinyaro ah oo u baahan in la dhaqan celiyo uu wixii doono iska sameeyo” ayuu yiri Mr Tarsan.

Dhanka kale, gudoomiyuhu waxa uu amar ku siiyay ciidamada ilaalaha xeebaha inay mudo 24 saac ah xiri karaan gabadhii ama wiilkii lagu arko dhaqanada xun ama ayaga oo xiran dhar aan munaasab ahayn lagu arko halkaas.
Hadalka gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xili ay mudooyinkii ugu dambeeyayba kusoo qul qulayeen magaalada Muqdisho dad fara badan oo qurbaha kasoo laabanaya kuwaasoo ay kamid yihiin dhalinyaro fara badan.
Maalinkasta oo Jimce ah waxaa soo buux dhaafiya xeebaha Liido iyo Jaziira dad u dabaalasho iyo dalxiis tago halkaas kuwaasoo in badan oo ayaga ahna yihiin dhalinyaro qaarkood kasoo noqday dalalka qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika iyo Canada.
Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID