Monday, May 20th, 2013

Gudoomiye Shariif Xasan oo dalka dib ugusoo laabtay.

Gudoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu maanta dib ugusoo laabtay dalka ayada oo ay masuuliyiin katirsan dowlada KMG Soomaaliya iyo dadweyne fara badan kusoo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Mudane Shariif Xasan ayaa kasoo qayb galay shirkii kooxda xiriirka caalamiga ee ICG oo ka dhacay caasimada dalka Talyaaniga ee Rome.

Kadib markii uu dalka dib ugusoo laabtay ayuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in ay gacan ka geystaan ka gudbida marxaladda KMG ah si loo helo dowlad dhameystiran.

Dhanka kale gudoomiyaha baarlamaanka mar uu ka hadlayay shirkii kooxda xiriirka caalamiga ee uu kagasoo qayb galay dalka Talyaaniga ayuu sheegay inay dhamaan masuuliyiintii ka qayb gashay shirkaasi ay soo dhaweeyeen horumarka ay dowlada KMG Soomaaliya gaartay qaasatan dhanka amaanka.

Horay ayaa waxaa dalka dib ugusoo laabtay masuuliyiin kasoo qayb gashay shirka kooxda xiriirka caalamiga ee ka dhacay Rome ayada oo uu noqonayo gudoomiye Shariif Xasan mid kamid ah masuuliyiintaas.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply