Gudoomiyaha ururada bulshada rayidka ee gobolada Bay iyo Bakool mudane Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa hambalyo iyo taageero u diray gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kaasoo dhawaan loo doortay xilkaas.
Mudane Maxamed Sheekh Cabdullaahi waxa uu ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho inuu Prof. Jawaari yahay shaqsi aqoonyahan ah isla markaasna lagu aamini karo xilka loo doortay isaga oo Eebe uga baryay inuu la garab galo waajibaadyadiisa.
Gudoomiyaha ururada bulshada rayidka Bay iyo Bakool, Maxamed Sheekh Cabdullaahi waxa uu tilmaamay in doorashada mudane Jawaari ay tahay mid guul u ah guud ahaan ummada Soomaaliyeed iyo gaar ahaan beel weynta Digil iyo Mirifle oo hada wixii ka dambeeya ka madax banaanaan doono siyaasadii ku dhisnayd kala qo qobka iyo amar ku taagleynta.
Maxamed Sheekh Cabdullaahi waxa uu ugu baaqay guud ahaan xildhibaanada Soomaaliyeed gaar ahaan xildhibaanada kasoo jeeda Digil iyo Mirifle inay la shaqeeyaan gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iskana iloobaan siyaasadii hore ee ku dhisnayd jeeb gacan gelinta.
Ugu dambeyntii, gudoomiyaha ururada bulshada rayidka Bay iyo Bakool waxa uu ugu baaqay gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya mudane Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari inuu kasoo baxo xilka uu qaaday Illaahna la garab galo isaga oo si gaar ahna ugu baaqay mudane Jawaari inuu siyaasadii dhuntay ee gobolada ay degto beel weynta Digil iyo Mirifle dib boorka uga jafo si ay wax ula qaybsadaan walaalahooda kale ee Soomaaliyeed.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com