Saturday, May 25th, 2013

Gudoomiyaha Shabeelada hoose ee Alshabaab oo ka hadlay qabsashada Afgooye.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose ee Xarakada Alshabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa waxa uu sheegay inay dagaalada sii wadi doonaan oo ay 24 saac isaga oo qiray inay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM qabsadeen Afgooye balse ay hada dib ugasoo baxeen oo ay ku suganyihiin koontaroolada magaalada.

” Taangi dal laguma qabsan karo” sidaas waxaa yiri gudoomiyaha Shabeelada hoose ee Alshabaab kaasoo dhanka kalena sheegay inay AMISOM iyo ciidamada dowlada KMG Soomaaliya shirqoolkii ay u dhigeen ay kusoo dhaceen balse ay hawlgaladooda sii wadi doonaan.

Abuu Cabdalla ayaa waxa uu dhanka kale ka hadlay dil shalay magaalada gudaheeda ay ciidamada Alshabaab ugu geysteen qof rayid ah oo uu sheegay inuu ahaa qofka keliya ee Afgooye kusoo dhaweeyay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM islamarkaasna tusayay saldhigyada Alshabaab ee magaalada isaga oo sheegay sidoo kale in wadada uu maray ninkaas ay marsiin doonaan qofkasta oo isku daya inuu la shaqeeyo ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Hadalka kasoo yeeray gudoomiyaha Alshabaab ee gobolka Shabeelada hoose ayaa kusoo aadayo xili ay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM maalintii shalay ahayd la wareegeen degmada Afgooye.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply