Gudoomiyaha jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee dalka Jarmalka mudane Mustaf Cali Xuseen ayaa waxa uu ugu baaqan malaaqyada iyo salaadiinta beelaha Digil iyo Miriflea inay soo xulaan xildhibaano waxtar leh islamarkaasna dadkooda iyo dalkooda iyo diintooda wax tari karo.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay inay soo gaarayaan hadalo aan qurxaneyn oo ah in malaaqyada qaarkood soo xuleen qaar kamid ah dagaal oogayaashii hore iyo weliba dad aan wax qori karin waxna aqrin karin kuwaasoo qaarkood hanjabaadyo u geystay odayaasha dhaqanka.
Mustaf Cali Xuseen, gudoomiyaha jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee dalka Jarmalka ayaa waxa uu sheegay in lagula xisaabtami doono odaygii soo qoro xildhibaan aan waxtar lahayn islamarkaasna uu taariikhda meel xun ka geli doono odaygaaas.
Isaga oo la hadlayay shabakada warbaahinta baidoamedia.com ayuu gudoomiye Mustaf sheegay in deegaanka Digil iyo Mirifle loosoo bir tumanayo ayna jiraan kooxo iyo dad aan dhulka u dhalan balse raba inay si fudud kula wareegaan dhulkaas barwaaqada ah, waxa uuna ugu baaqan xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya inay wax ka qabtaan arintaas.
Hadalka gudoomiyaha jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Jarmalka ayaa kusoo aadayo xili ay soo baxayaan inay malaaqyada iyo salaadiinta Digil iyo Mirifle qaarkood soo xuleen dagaal oogayaashii hore iyo xildhibaano aan waxna qori karin waxna aqrin karin.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com