Gudoomiyaha gobolka Bay ee dowlada Soomaaliya Cabdifitaax Geeseey ayaa ka warbixiyay weeraro ay xalay ciidamo katirsan Xarakad Alshabaab ku qaadeen guriga gudoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macallin Biikole.
Cabdifitaax Geeseey oo la hadlayay idaacada BBCda ayaa yiri, ”Waxaa jiray weerar lagu qaaday guriga Gudoomiyaha degmada iyo saldhig ciidanka dowladda degenaa oo ku dhow agagaarka Shirkada Olombikl, waxaa horay u jiray warar nabadsugida si hor dhac inoo siiyeen, in magaalada ku soo wajahan yihiin, diyaar garow ayaana loogu jiray, labada goobood ay weerareen wax qasaare nama soo gaarin”
Gudoomiyaha gobolka Bay waxa uu sheegay in maleeshiyooyinkii Shabaab ee xalay soo weeraray Baydhabo ay geeyeen deegaanka Manaawir meydadka sadex maleeshiyo iyo dhaawaca laba kale, waxa uu sidoo kale sii raaciyay inay hayaan dhaawaca hal askari oo ka tirsan Alshabaab kaasoo xirnaa dareeska ciidamada isla markaasna ay qorigii kasii qaateen asxaabtiisa.
Dhanka kale Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay inay weerarkii xalay ku dileen saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro lala eeganayay goobaha ay deganyihiin ciidamada dowlada Soomaaliya iyo masuuliyiinta dowlada ee gobolka Bay.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com