Wednesday, June 19th, 2013

Gudoomiyaha gobolka Bari oo shil gaari ku dhaawacmay.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ku dhaawacmay labo kamid ah ilaaladiisana waa ay ku dhinteen kadib markii ay baabuur ay la socdeen uu shil ku galay meel dhinaca koonfur ka xigta 50km degmada Boosaaso ee gobolka Bari.

Shilkaan ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Meer meerka ayada oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen afar ruux oo dhamaantoodba lawada dhigay isbitaalka magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaha gobolka Bari iyo wafdi lasocday ayaa waxa ay ku wajahnaayeen deegaanka Carmo marka ay shilka galayeen balse gudoomiyaha ayaa xaaladiisa ay tahay mid soo hagaagayso ayada oo uu aad u fududyahay dhaawaca soo gaaray sida ay wararku sheegayaan.

Deegaanka Meer meerka waa goob ay inta badan gaadiidku shil ku galaan ayada oo ay horay shilal noocaan oo kale ah uga dhaceen geystayna qasaarooyin iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply