Wednesday, May 22nd, 2013

Gudoomiyaha degmada Berdaale ee gobolka Bay oo ku dhaawacmay dagaal ka dhacay degmadaas.

Wararka ka imaanay gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan inuu xalay saqdii dhexe ka dhacay dagaal xoogan degmada Berdaale oo ka tirsan degmooyinka gobolka Bay.

Dagaalka oo ay soo qaadeen ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa walaxaa lala beegsaday guriga uu ka deganyahay degmadaas gudoomiyaha degmada ee dowlada Soomaaliya Yuunis Macalin Maxamed Yuunis Cali Dareen.

Wararku waxa ay sheegayaan inuu gudoomiyaha degmada ku dhaawacmay dagaalkii xalay ka dhacay halkaas ayada oo ay sidoo kale ku dhinteen afar kamid ah dagaalyahanadii Alshabaab iyo mid kamid ah ilaaladii gudoomiyaha degmada.

Dhaawaca gudoomiyaha degmada ayaan la ogeyn heerka uu gaar siisanyahay ayada oo markii dambe ciidamada ilaalada u ahaa gudoomiyaha ay iska caabiyeen dagaalyahanadii Alshabaab ee soo weeraray halkaas.

Dhaawaca loo geystay gudoomiyaha degmada Berdaale ee maamulka dowlada Soomaaliya ee gobolka Bay ayaa kusoo aadayo xili maalintii shalay ay ciidamada Alshabaab weerar gaadmo ah ku dileen taliyihii guutada 5aad ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed jeneraal Goordan.

Alshabaab ayaa dhawaanahaan sare u qaaday weerarada ka dhanka ah saraakiisha dowlada Soomaaliya, ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayada oo ay weeraradeeduna u badanyihiin ku dhufoo ka dhaqaaq.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply