Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Addis ababa.(Sawiro)

<

Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu horkacayo oo dhawaanahaanba ku sugnaa dalka Itoobiya booqashooyinka kusoo bixiyay xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga ayaa waxa uu xalay kulan ballaaran kula qaatay magaalada Addis ababa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Addis ababa.

Kulanka oo ka dhacay hool weyn oo ku yaala xaafada Booleey ee magaalada Addis ababa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Addis ababa iyo safaarada Soomaaliya ee dalka Itoobiya.

Kulanka uu gudoomiyuhu xalay la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ahaa mid ballaaran ayada oo ay Soomaali badana kasoo qayb gashay.

Dadkii kasoo qayb galay kulanka oo ay qaarkood xirnaayeen dhar calanka Soomaaliya lagu xardhay ayaa uga mahad celiyay dowlada iyo shacabka Itoobiya sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen markii ay dalkii hooyo kasoo qaxeen ayaga oo sidoo kalena u riyaaqay horumarada ka socda dalka Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo horumarinada kale.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Jawaari ayaa isna khudbad ka jeediyay kulankii xalay oo kusoo idlaaday jawi aad u qurux badan.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID