LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo jaamacada Addis ababa kula kulmay ardayda wax ka barata jaamacadaas.

Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dhawaanahaanba ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa dib ugusoo laabtay magaalada Addis ababa ee xarunta u ah dalkaas kadib booqasho maalmo kooban ah oo uu ku gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaaneedka Soomaalida Itoobiya.

Mudane Jawaari oo uu safarkiisa dalka Itoobiya ku weheliyo kuxigeenkiisa labaad mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen jaamacada Addis ababa oo ay kula kulmeen maamulka jaamacada iyo qaar kamid ah ardayda wax ka barata jaamacada.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa su’aalo uga jawaabay ardayda

generic cialis

wax ka barata Addis ababa university AAU kuwaasoo wax ka weydiiyay arimaha dalka Soomaaliya iyo halka ay wax u marayaan dowlada federaalka Soomaaliya.

Mudane Jawaari ayaa ku jawaabay “Soomaaliya waxey xiligan gashay isbedel baaxad leh isbedelkaasi oo ay u wada diyaarsanyihiin shacbiga Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana taasi ugu wacan in dadku ay kasoo daaleen dhibaatadii ay mudada kusoo jireen ,hadana ay diyaar u yihiin iney wax wada qabsadaan taasina ay tahay waxa horseeday isbedellada dalka ka jira sida doorashooyinkii dhowaan dhacay”

Safarka uu ku joogo dalka Itoobiya gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah kii ugu horeeyay ee uu dalka dibadiisa ku aado tan iyo markii loo doortay xilka gudoomiyanimada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *


*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>