Gudoomiyaha baarlamaanka Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray.

<

Waxaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi uu hor kacayo gudoomiyaha baarlamaanka Jabuuti mudane Idiris Aar Naaquud Cali, wafdiga ayaa waxaa kamid ah xildhibaano katirsan baaralamaanka Jabuutir .

Wafdiga uu hor kacayo gudoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa waxaa si weyn ugusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo masuuliyiin kale oo ay xildibaano ku jiraan.

Markii ay kasoo degeen diy

cheap generic cialis online

aaradii waday wafdiga Jabuuti ayaa waxaa si wadajir ah shir jaraa'id u qabtay gudoomiyayaasha baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti.

Afhayeenka baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ugu horey la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in imaashaha afhayeenka baarlamanka Jabuuti uu yahay mid xoojinaya xiriirka ka dhaxeeya labada dal isagoona carabka ku dhuftay in uu yahay guddoomiyihii ugu horeeyay oo ka socda dalalka afrika ee yimaada Muqdisho.

Dhankiisana afhayeenka baarlamaanka Jabuuti mudane Idiris Aar Naaquud Cali ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsanyahay inuu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Dhawaanahaanba waxaa kusoo qul qulayay magaalada Muqdisho wafuud caalami ah oo ka kala socda dalalka caalamka kuwa daneeya arimaha Soomaaliya.

Baidoa media.

zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.