Gudiga Doorashada gudoonka baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen araaji qabashada hogaanka Baarlamaanka isla markaana ay isasoo diiwaan galiyeen mudanayaal farabadan.
Afhayeenka Gudiga Doorashada gudoonka baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa oo Cismaan Libaax Ibraahim oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shalay ay ku eked qabashada araajida mudanayaash isu soo taagay qabashada xilka hogaanka Baarlamaanka,waxaana uu sidoo kale tilmaamay in Gudoonka baarlamaanka ay isku soo taageen illaa 6-mudane ku xigeenada ay isku soo taageen 9-mudane halka ku xigeenada 3-aad ay isku soo sharaxeen 3-mudane.
Sidoo kale Cismaan Libaax Ibraahim Afhayeenka Gudiga Doorashada gudoonka baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa waxaa uu shegay in mudanayaasha isku soo taagay qabashada xilka hogaanka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ay hor imaan doonaan xildhibaanada baarlamaanka si ay uga hor cadeeyaan wax qabadka ay ku tala jiraan marka ay ku guuleystaan.
Tan iyo markii gudiga doorashada uu shaaciyay in la qabanayo araajida mudanayaasha qabanaya xilka hogaanka sare ee Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ayaa waxaa lagu wadaa in ugu danbey todobaadkani ay soo bandhigaan waxqabadkooda mudayaasha isku soo tagay xilkaasi.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com