Saturday, May 25th, 2013

Gud. gobolka Shabeelada dhexe oo sheegay inay dhawaan ku wajahanyihiin gobolkaas.

Ayada oo ay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM la wareegeen gacan kuhaynta degmada Afgooye iyo weliba deegaano kale oo u dhexeeya magaalada Muqdisho iyo degmadaas ayaa waxaa warbaahinta la hadlay gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelada dhexe injineer Cabdi Jiinow Calasow kaasoo sheegay inay dhawaan ku wajahanyihiin gobolkaas ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Cabdi Jiinow ayaa waxa uu sheegay in hawlgalka gobolka uu gudoomiyaha u yahay ee Shabeelada dhexe uu ka sahlanaan doono midka gobolada kale.

“howlgallada ka socda gobolka Shabeellada Hoose, waxaa ka sahlanaan doono kuwa dhawaan ka billaabanaya gobolka Shabeellada Dhexe, sababtoo ah Al-Shabaab waxa ay ku halaagsameen dagaalladii ugu dambeeyay ee ay la galeen ciidmmada dowladda” sidaas ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe Cabdi Jiinoow Calasoow.

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Shabeelada dhexe ee dowlada KMG Soomaaliya Cabdi Jiinow Calasow waxa uu sheegay in Alshabaab wakhtigeedii uu dhamaaday lana gaaray xiligii ay dadka Soomaaliyeed ku noolaan lahaayeen nolol xor ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalka kasoo yeeray gudoomiye Jiinow ayaa imanayo xili ay dagaalo ka jiraan gobolka Shabeelada hoose oo ay deris yihiin gobolka Shabeelada dhexe.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply