Golaha wasiirada oo maanta kulmay go'aanana soo saaray.

<

Shirkii isbuuclaha ahaa ee aalaaba maalinta Khamiista ah ay yeelan jireen golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka oo uu gudoominayay raisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxyaabihii maanta loo

relationships

ga hadlay waxaa kamid ahaa dhoofinta xoolaha nool, ka ganacsiga agabka ciidamada iyo waxyaabo kale.

Markii uu soo gaba gaboobay kulanka ayaa waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka wasaaradda qeyraadka Mudane C/risaaq Maxamed Cumar waxa uu sheegay in kulankii maanta looga hadlay sidii loo bilaabi lahaa dhoofinta xoolaha, waxa uuna intaasi ku daray in gudi heer wasiir ah oo ka kooban Shan iyo ganacsato loo xilsaaray arintaasi.

Golaha wasiirada ayaa uga digay ganacsatada ka ganacsiga khalabka ciidamada sida hubka, gaadiidka iyo dharka cidii lagu arkana tallaabo laga qaadi doono.

Baidoa media.

zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.