Wednesday, June 19th, 2013

Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya oo lagu wado in mar dhow lagu dhawaaqo.

Warar isasoo taraya ayaa waxa ay sheegayaan in golaha cusub ee wasiirada Soomaaliya lagu wado in maanta gelinka dambe ama beri lagu dhawaaqo.

Golaha cusub ee wasiirada oo ka duwanaan doona kii hore ayaa ugu dambeyntii waxa ay madaxweynaha iyo raisalwasaaraha isku afgarteen sida ay wararku sheegayaan in laga dhigo 10 wasiir taasoo ka yar tiradii hore oo ahayd 18 wasiir.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo raisalwasaaraha ayaa muran xoogani uu soo dhex maray kaasoo ku aadan tirada wasiirada taasoo uu madaxweynuhu damacsanaa in laga dhigo 9 wasiir halka raisalwasaaruhuna rabay in laga dhigo 18 ama 14 balse wararku waxa ay sheegayaan in ugu dambeyntii laysku af gartay in laga dhigo 10 wasaaradood.

Waxaa meesha ka baxay wasaarado badan oo horay u jiray kuwaasoo uu madaxweynuhu sheegay innana loo haynin wax bajad ah. Golaha cusub ee wasiirada ayaa lagu wadaa inay noqdaan kuwo ku cusub masraxa siyaasada ayada oo ay wejiyo cusub kasoo muuqan doonaan golahaasi.

Dhawaanahaanba waxaa isasoo tarayay baaqyo  kasoo yeeraysay qaar kamid ah xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed taasoo ku aadan innaan tirada wasiirada cusub laga yarayn tii hore oo ah 18 balse lama oga sida uu raisalwasaaraha Soomaaliya u dhegaysanayo baaqyadaas.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply