LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

GOLAHA AMAANKA OO KA FAKERAYA QAADISTA XAYIRAADA HUBKA EE SAARAN SOOMAALIYA.

Golaha amaanka ee Qaramada midoobay ayaa waxa uu ka fakerayaa ka qaadista dalka Soomaaliya xayiraada hubka ee saaran dalkaas mudada badan.

Sida uu sheegay xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Mr. Baan ki-moon waxaa soo hagaagaya amniga Soomaaliya oona loo baahanyahay in la dhiso ciidamo xoogan oo hanan kara amniga dalka.

“In kastoo ammaanka Soomaaliya uu aad u wanaagsanaaday, halganka wali ma dhammaanin. [Kooxaha] wax iska caabbinta waxay wali wadaan inay fuliyaan weerarradooda iyagoo isticmaalaya weerarro argagixiso iyo shirqoollo bar-tilmaameed,” ayuu yiri Ban Ki-moon.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay waxa uu sheegay inay tixgelinayaan codsiga dowlada Soomaaliyeed ee ah in cunaqabteynta xaga hubka ah laga qaado Soomaaliya.

Dhanka kale xoghayaha guud ee Qaramada midoobay waxa uu sheegay in loo baahanyahay dadaalo dheeri ah sidii loo horumarin laha ciidamada dalka Soomaaliya sidaas darteedna uu golaha amaanka ee Qaramada midoobay tixgelin siinayo codsiga dowlada Soomaaliya kana fakerayo ka qaadista xayiraada hubka ee saaran dalka Soomaaliya.

Golaha amaanka ee Qaramada midoobay ayaaa xayiraad xaga hubka ah saaray dalka Soomaaliya sanadii 1992dii xiligaasoo uu dalka lugaha lasii galayay dagaalo sokeeye kadib markii ay jabhadihii hubeysnaa xukunka ka tuureen keligiitaliyihii geeriyooday ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

 

Baidoa media.

 


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID