Monday, May 20th, 2013

GOGOL-XAADH: (Tix gabay ah)‏

Isimmadii, duubaabkii ama madax-dhaqameedkii Ummadeed wax ay geed walba u xaadhtaan oo gambadh walba ugu fadhiistaanba waxa ay isu geeyeen 825 Ergey oo hadda Muqdisho u fadhiya shir ansixinaya Dastuur Qaran oo loogu hayaamo dib u saamasho dawlad isu-talis ah, xushmaysan oo haybadaysan; dawlad huwan maamuuska dadweyneheeda; dawlad rigli ah oo an goob-kaga-kac ama meel-ku-gaadh ahayn; dawlad Qaran Soomaaliyeed; Dawlad Dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Hayaankii dheeraa wuxu tiicid kob-raagaaleysi iyo taako-taako guur ahaadaba, waxa la sheegay in uu (20 Agost 2012) ku aaddan yahay naq iyo xareed walacle oo yibal-tirad leh… maashaa Allaah… dhowaa… Ilaahow an waraabe la tegin!!. Maalmaha soo socda waxa kale oo la filayaa in Odayaalku bandhigaan 275 xubnood oo iyana noqon doona Cod-xanbaarayaal Shacbi (barlammaan)…. Kuwaas hawlsha u taal oo culus awgeed, waxa rajo tahay in loo xuli doono ma-dhaafaan aqoon iyo bisayl ahaanba xilkaas ammaano qaadi kara; oo an xag karkarnimo hawl ka maglaallacan, xag hufnaaneed hadhuub-raac noqon, xag xirribeedna an xaal iyo xaajona ka mahmahan; gaar ahaanna ku astooba gole Soomaaliyaysan oo leh nuxur “Soomaali xor ah” oo makanin kara masuuliyadda hogaaminta Qaran “Soomaali isna xor ah”…. Hogaamiyahaas, haddii Eebbe idmo waxan ku soo dhoweyn doonaa gabay tusmayn iyo wacad ballaneed ah… markii la gaadho gebo-gebada xilkiisana (haddii Eebbe qaddero) waxa an u tirin doonaa gabay ku garabsiiya dib-u-doorasho ama u horseeda dhicid (ridid)….

Maanta “GOGOL-XAADH” waxa ay xasuusinaysaa sooyaalkeedii (Berlin ka hor iyo kaddib); waxayna yaboohinaysaa Halyeygii tubta-toosan-ku-aaddinta siyaasadda mustaqbal ee Qaran iyo badhaadhe u gadhqaadka aayo-masiireedka ummadda Soomaaliyeed …

GOGOL-XAADH:

Geyi udugsan goobaan nicmo ah godan barwaaqaysan

Gasiin dalan carrada badhi gaddacan midho guduudnaadey

Gurrunjaa curdina xabag guntin ah geedo wada oon ah

 

Garannuug cas goodir iyo cawl gorayo duur-joog ah

Gammaan dooran, faras geed ku jira geenyo dananaysa

Baqal guro leh giindhay hayin ah gaambiye addeec ah

 

Geel kadin ah gaawaale ramag qaalmo gorinaaya

Rakuub golos ah, gool buuxsanmiyo korommo gaadiid ah

Lo’ gar maal ah, ido gorod madow giiryar oo dararan

 

Gu’ kacaama, webiyaal galgalan gacammo soo jiidan

Galley beeran gacamaale muus dalag garaarooba

Bad gingiman gadiir iyo qariib gurunbe jeerjeer ah

 

Dhaqan guun ah nolol gaariyada hoo’ is maal gelin ah

Gacmo deeqa gaafoodtan siman sahay is gaar-siinsan

Hayaan guura reero isu gala gooh la wada daaqo

 

Gob tolaysan xidid gaadasho ah gabadh xigaalaysa

Guri midan gurbood kala degdega gaan isma huraan ah

Ergo gaafan samo loo gurmado gaasas kala baaqda

 

Geed hadhac ah gedefaale baxay duqey gadhwaaxeedda

Garsoor qiinmay xeer gaasabaxay guurti dhex ahaadtay

Guddi shiray guddoon lagu khatimay talo la soo gooyey

 

Guul hanantay dhiro daawo galay taws xal laga gaadhey

Haro galacle, ceel ilo godlada galal duraabaaya

Godan nabad ah geediyo xareed beelo gaballaaxa

 

Garan-waa-cad gaal amar la yimi duul gunnimo diidey

Garri yoontay, waran-qaad gurmadey gamas hor loo boobay

Gidhli-dhacay gamuun aammus yiri nacab la googgooyey

 

Golli heestay, weer goosan nacay haad gadiidsanaya

Golxob dhiigle, gaaleen xinne ah hoodto geylimo leh

Gobannimo dhacsi ah guul magli ah calan naf loo gooyey

 

Gudmo reeb ah gudhan naanniyeed gaanyo dabo-keen ah

God waraabe yeelaal gufo leh tebin gurreytoobey

Galaabeen xun, haaneed gurracan sugulle gawdhgawdhey

 

Candho galow ah godol dhoohan iyo gacalo diiddowdey

Gorfo madhan, gadtaati caqday iyo guulal wada oomay

Galax baaqday goommane han jabay himilo goolowdey

 

Gedood dararay tuhun geeli-dhalay gudo is jeedaashey

Gamuun leexday good haah la yiri gamasyo waalaystay

Gabbaad dumey gojaxo baylahdiyo gaax la fadhataystay

 

Garwaaq raagey guud kala dibbadey goosan kala fiidhay

Galaa dhacay garoow god uga roor guro naf loo aadey

Gun-ka-unug xal geed-geed la biday goofaf dani uuntay

 

Gaag doogay guuleed cid tebey goror is doon-doontay

Dhis gangaanmey, goonyo is qabsaday saqaf ganboollaaday

Go’ madoobe waafeer gondood geeddi dhicisoobey

 

Yay garab ah gacan-haadis dhacay geyshash ina Xaam ah

Gaashaan tol hiil geesinimo madax wareer gooyey

Dhaxdin gudub hayaan geeddiyo ah socod la googooyey.

 

Boqor guud Garaad dadu-dhexe ah Duubab gole xaadhtey

Xul la guray yaqaan garasho dheer waracyo guubaabsan

Goob-kaga-kac xeer gacan qabsi ah codad galliimayn ah

 

Guryo muuqde reer galab-carraw tahan naq loo gaadhey

Gogol-xaadhan door gaadasho ah gole dhab loo tuujey

Godol sheegan gooraad cayiman Agos kolkaad gaadhto

 

Midaw gawdhsha goboleeye kada ururshe goobkiisa

Garsoor naca gaboodfale dulmiya caaddil gocadkiisa

Gallad diidda giiryaale nugul geesi dayadkeeda

 

Gurgur xaabsha gaafane hayina geelba reer ka cugtay

Baroor-golol ah suunnaari godan reer gammaan ka xigay

Gar buu qowmi guud iyo waddani rag uga geeraartay

 

 

Maxamuud Muuse Cali Caarre

Mmcarre50@hotmail.com

 

Baidoa media.

 

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply