LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Gobolka Shabeelada hoose yaa iska leh? (Maqaal)

Gobolka Shabeelada hoose oo ku yaala koonfurta dalka Soomaaliya islamarkaasna ah gobolka ugu qayraadka badan guud ahaan dalka Soomaaliya marka laga eego dhanka wax soo saarka beeraha ayaa waxa uu soo maray taaraiikh madow intii uu socday dagaalkii sokeeye ee dalka Soomaaliya.

Gobolka oo dadka ku dhaqan 98% ay yihiin dad kasoo jeeda qowmiyada Soomaaliyeed ee Digil iyo Mirifle ayaa waxa uu u gacan galay khabiilo kasoo duulay gobolada dhexe ee Soomaaliya kuwaasoo gaarsiiyay dadkii nabada jeclaa ee ku noolaa gobolka heer laga iibiyo biyaha webiga islamarkaasna beerahooda la boobo.

Caasimada gobolka Shabeelada hoose waa magaalada Marka, Marka khabiilada ku badan waxaa lambarka koowaad ku jiro khabiilka Biyomaal Direed ayada oo ay sidoo kale deganyihiin khabaa’ilo kale oo kasoo kala jeeda Qowmiyada Digil iyo Mirifle.

Hadaba xiligii ay ciidamada Shabaabka maamulayeen gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa ay dib ugusoo celiyeen dadkii beerahooda laga dhacay iyo weliba hantidii kale ee maguuraanka ahayd sida guryaha iyo goobaha ganacsi.

Gobolka Shabeelada hoose degmooyinka uu ka koobanyahay oo ay kamid yihiin, Marka, Afgooyel, Qoryooley, Baraawe iyo Wanla weyn ayaa lagu yaqaanaa inay degaan 98% Qowmiyada Digil iyo Mirifle gaar ahaan todobada Aw Digil oo kala ah, Geledi, Gare, Bagadi, Shanta Caleemood, Jiido, iyo Tuni ayada oo uu midka todobaad oo ah Dabare deganyahay degmada Diinsoor iyo deegaanada u dhow oo kawada tirsan gobolka Bay.

Dhawaan markii ay dowlada Soomaaliya ciidamadeeda iyo kuwa AMISOM la wareegeen inta badan degmooyinka gobolka Shabeelada hoose ayaa waxaa la arkay dadkii horay xooga ugu haystay gobolka oo hadana soo gashtay shaar dowladeed watana waraaqo ay ku tilmaamayaan in lagusoo magacaabay ayaga oo ciidan ahaana si weyn ugusoo laabtay gobolka balse huwan magaca dowlada.

Hadaba waxaa is weydiin leh, xitaa haddii la dhahay dowlad buuxda ayaa la noqday oo federaal ah nin kastana gobolkiisa uu kasoo jeesanayo, xagey u socdaan mooryaantii shaarka soo bedelatay ee caanka u ahayd khuudashada xaaraanta iyo weliba ku noolaanshaha deegaano aanay isir iyo ab u lahayn?

Dowlada uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud waxaa looga fadhiyaa inay dadka dagaaga ah ee ciidan isku sheega ah xeryo uga sameyso meelo kale oo aan gobolka Shabeelada hoose ahayn dadkii lahaana faraha looga qaado gobolka haddii aysan taas dhicina dabcan Soomaaliya waxaa kasii socon doona dagaalkii lagasoo gudbay  ee khabaliga ahaa, ileen nin ogolaadanaya malahan deegaankaygana anaa leh kaagana kula lihi.

Shabeelada hoose waa dhab inay deegaano kooban kaga dhaqanyihiin khabiilo ka baxsan Digil iyo Mirifle balse badnaanta dadka marka la eego iyo weliba deegaanada taas waxay khabiiladaas ka dhigaysaa mid lagaga tiro badanyahay oo ay noqonayaan wax aad u yar marka loo eego dadka kasoo jeedo Qowmiyada Digil iyo Mirifle.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *


*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>