Cayaar xiisa badan oo caawa ka dhacday garoonka kubbada cagta ee Nelson Mandela ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay kusoo dhamaatay Ghana oo u gudubtay cayaaraha quarter finalska koobka qaramada Afrika iyo kooxda Niger oo dalkeeda dib ugu laabanayso.
Cayaarta oo ahayd mid xiisa badan ayay cayaaryahanada Black starska dalka Ghana waxa ay soo bandhigeen cayaar aad loola dhacay ayada oo uu cayaaryahan Asamoah Gyan ahaa isku xiraha cayaarta isaga oo mashiin u ahaa cayaaryahanada reer Ghana.
Ghana waxa ay kaga badisay xulka qaranka Niger 3-0 oo ay goolasha u kala dhaliyeen cayaaryahanada kala ah Asamoah Gyan, Christian Atsu iyo John Boye.
Ghana ayaa hada u sareysa groupka ay ku jirto ee B ayada oo maalinta Sabtida ah ee soo socota la cayaari doona xulka qaranka jaziirada Cape Verde.
Baidoa media Sport.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com