Geeraarkan waxaan la yidhaahdaa: “ Qaa’id yaw noqon doona?” adduunka dadku waa mucaarad iyo muxaafid, labadubana ma xuma oo qofku inuu wax diido waxna yeelo waa wax wanaagsan, haddaba bulshadeena yaa ka duwan qaabka ay wax u diidaan aanu ku salaysnayn, Mabda’a iyo go’aan ee uu ku saleysan yahay siyaabo kale, sidaa awgeed ayaan Su’aalo dhawra halkan ku soo bandhigey bal in layga jawaabo cidda ay rabaan ama doonayaan dadkaygu inuu hoggaan ama horjooge u noqdo, Bogasho wacan waana kan Geeraarkii:
Waa adduun qulqulaayoo
Qiyaamihii u dhawaadoo
Qiimigiisi dhammaadayoo
Qorraxdii dhex timaadba
Dadkuna waa qorayaayo
Qaaddi weeye dhex jooga
Qasadkaan ula jeedo
Geeraarkaygan “Qabooje”
Qac bal aan kaga siiyee
Qoomkaygoow i dhegaysta.
Umaddeenna qawaamkiyo
Qorshahaa ka xumaadoo
Qof kastoo u yimaadaba
Waa la qaadacayaayoo
Ma qancaan weligoode
Qaa’id yaw noqon doona?
Mid qaboow uma roona
Qalad bay ka fahmaanoo
Qun yar buu u socdaa iyo
Qabiid maaha ninkaani
yay ku qeylinayaanoo
Qoomkaygii ma rabaane
Qaa’id yaw noqon doona?
Mid qasaaya ma roona
Qaxar aan ka damayniyo
Mid qasaare ku beeroo
Qixinaya naftoodana
Qoomkaykan ma rabaane
Qaa’id yaw noqon doona?
Mid qadhaadh uma roona
Oo qabyaalad ka buuxdoo
Qabiiligaan u naxayninoo
Qudhunkuun ka shaqeeya
Qoomkaygii ma rabaane
Qaa’id yaw noqon doona?
Qabqabluhu uma roona
Duullaan aan qasdi layniyo
Ku qaadayey naftooda
Qaati bay ka noqdeenoo
Qoomkaygii ma rabaane
Qaa’id yaw noqon doona?
Qarash doon uma roona
Qandi weyn ku shubaaya
Qarankooda dhacaayoo
Qasnad weyn u samaystay
Qoomaykgii ma rabaanoo
Qaa’id yaw noqon doona?
Wadaad qiile ma roona
Oo qalaaya naftooda
Qarxinaaya dhashooda
Qaatil aan u naxaynoo
Qoomkaygii ma rabaane
Qaa’id yaw noqon doona?
Qasdi ruuxa leh fiicanoo
Qaran doon uma roona
Mid qasaare ku naaxoo
Qardafaa uma roona
Qareen doodda yaqaanno
Qorsheeyaa uma roona
Qandaraasle ordaayoo
Qarribaa uma roonee
Qoowkaygii ma rabaane
Qaa’id yaw noqon doona?
Bal qiyaasa su’aashoo
Qof walboowba ka fiirso
Jawaab qaasa ka keeno
Qodobbee arrinkaanoo
Qanuunkeena ka eegoo
Ha ka qoofin ujeedkee
Ku qaabee maskaxdaado
Abwaanoow ka qiseeya.
Dhammaad.
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com