Wednesday, June 19th, 2013

”Garowe waxaan dib ugusoo laabanay si aan wadatashiyo uga yeelano dastuurka” afhayeenka isimada Puntland.

Cabdullaahi Cali Saciid oo ah afhayeenka isimada maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inuu qilaaf xoogani soo kala dhex galay dowlada KMG Soomaaliya iyo maamulka Puntland isaga oo dhanka kalena sheegay inay odayaashii dhaqanka ee ka socday maamulka Puntland ay dib ugu noqdeen magaalada Garowe si ay wadatashiyo badan ugasoo yeeshaan dastuurka qabyo qoraaleedka ee la rabo in la ansixiyo.

Cabdullaahi Cali Saciid waxa uu sheegay inuu dastuurku yahay qabyo qoraaleed islamarkaasna ay socoto tashiyo laga yeelanayo sidaas daraadeedna ay dib ugusoo laabteen magaalada Garowe.

Hadalka kasoo yeeray afhayeenka isimada Puntland ayaa kusoo aadayo xili ay odayaashii dhaqanka ee ka socday deegaanada Puntland ay isaga baxeen shirka oday dhaqameedyada Soomaaliyeed uga socdo magaalada Muqdisho kadib markii uu maamulka Puntland soo bandhigyo dhowr qodob oo uu dalbaday in wax laga bedelo kuwaasoo aanay dowlada KMG Soomaaliyana weli ka hadlin.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to ”Garowe waxaan dib ugusoo laabanay si aan wadatashiyo uga yeelano dastuurka” afhayeenka isimada Puntland.

  1. Ali Somaali says:

    isimada puntland halkiina ayaad ku fiicantihiin ee halkiina jooga, faroole oo u soo jeestay inuu Somalia hadaan ka tuuro garka u fira, somalia hadaad moodeen la’aantiin wax ma noqon karto riyo maalmeed ayaad ku jirtaan,waxaan idin oran lahaa intay goori goor tahay Faroole iyo Somali maslaxadeeda u hiiliya Somaliweyn, waa iga talo. Somalia ilaahay ha nooleeyo!!!!!!

Leave a Reply