Waxaana Juquraafi ahaan lagaran karaa Masaafada u dhaxaysa labadan magaalo, waana muhiim in lamataaneeyo magaalooyinka Soomaliyeed maamul kasta haku hoosjireene,
Waxaase ku quman in lamataaneeyo sida ay iskugu ood(degaan) dhowyihiin laakiin midaan waxaa ka muuqda mataanayntii lagu hoogey oo ahayd mataanaynta beelaha ,waxaana Soomali markan kuwaajib ah inay ka shaqayso mataanayn Qaran oo ay iska tuurto mida Qabiilka.
Waxaana la xasuustaa inay jireen isbahaysiyo Qabiil oo ku dhamaaday bur-bur,Barakac,boob, waxaana lama huraan ah inaan dadkeena xasuussino in layska tuuro isbahaysiga qabiilka guntigana loo xidho midka Qaranka,waxaana lagu gaarayaa sharaf iyo dadnimo.
Hadaan weli tumayno durbaanadii latumay 1991-1996 waxaan filayaa inaan weli loo bislaan Qaranimo.Waxaana in lasoo dhaweeyo mudan cidkasta oo abaabusha wixii Qaranimo lagu Gaarayo waxaana ceebayn mudan cidii abaabusha wax lid ku ah Qaranimada
Soomaaliya.
Waxaana ognahay walaaha reer Garoowe waxay kaalinta hore kaga jireen dhismaha Qaran Soomaaliyeed midkii ugu horeeyey, Maantana waxaa laga sugayaa inay qaatan kaalintoodii iyo mid ka saraysa.
Maamulka Waqooyi Barina waxaa laga rabaa inay Arinta Walaalahooda dhibaataysnaa 22 sano ku biiriyaan fikir waxtar leh balse aysan arinta uga darin mar hadii la helay wax xoogaa iftiin ah ayna suurogal tahay inuu soo kordho ilayska xiligaan jiraahi.
Balanteenu waa Qaranimo & Qoys-Qoyska oo aan diidno.
YAAN DIB LOONOQONEEY YAAN DIB LOONOQONEEY YAAN DIB LOONOQONEEY
Suldaan Ali Abdulahi Hassan
Shacbaan5@hotmail.com