Magacyada Gudiga Afurinta Masjid Jaamaca Baydhabo 1-Gudomiye: Sh.Nuur Dheere tell: 0615593718 2-Kuxigeen Shariif Cabdalla Eelaay : 0615578320 3-Xiriiriye Bashiir Maxamed Aadan 0615590121 4-Maxamed Sh.Aadam 5- Macaani Sh.Sahal 6- C/Rashiid Sh .Maxamed Tarafiko

LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Garoonka kubbada cagta ee Lamagalaay ee magaalada Beledweyne oo dib loo furay. (Sawiro)

Mudo sanado ah kadib, ayaa waxaa dib loo howlgeliyay garoonka kubbada cagta ee Lamagalaay oo kamid ah garoonada ku yaala magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Garoonka oo ay dib u habeyn ku sameeyeen ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah kuwa AMISOM ee ku sugan mgaalada Beledweyne ayaaa waxaa lagu daah furay cayaar dhex martay kooxaha Buundoweyn iyo Howlwadaag ee isla magaalada Beledweyne.

Cayaartii dhex martay labada kooxood ayaa waxa ay guusha ku raacday kooxdii ka socotay xaafada Howlwadaag.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee kusugan magaalada beledweyne Col.Zakariye oo ugu horeyn goobta Kahadlay ayaa sheegay in garoonkan  dayactirka ay ku sameeyeen ay ugu talagaleen sidii dhalinta Soomaaliyeed ay isku dhexgeli lahaayeen islamarkaana bulshada loogu dhiiri gelinlahaa nabadda iyo Horumarka.

Dhanka kale, gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa waxa uu uga mahadceliyay ciidamada Jabuuti dib u dayactirida ay ku sameeyeen garoonka Lamagalaay oo kamid ah garoonada cayaaraha ee magaalada Beledweyne.

Sidoo kale gudoomiyuhu waxa uu sheegay inay dhawaan ka bilaabanayaan garoonka Lamagalaay cayaaraha heerarka kala duwan ee gobolka Hiiraan.

 

Baidoa media.

 


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID