In dhawaalaba waxaa ka socday magaalada Baydhabo howl ay iska kaashanayeen dhalinyaro reer Baydhabo ah oo iskood isku abaabulay iyo qaar kamid ah ganacsata magaalada taasoo lagu dayactirayo isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo kaasoo aan helin wax dayactir ah tan iyo markii ay bur burtay dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya sanadii 1991gii.
Hadaba howsha dayactirka ayaa waxa ay tahay mid aan looga maarmin inay dadka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan dadka reer Baydhabo gacan ka geystaan maadaama uu isbitaalka magaalada kamid yahay meelaha danta guud ee ka wada dhexeeya shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo.
Hadaba wixii tabarucaad ah ee aad kaga qayb qaadan kartid dib u dayactirida isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo ku hagaaji qaban qaabiyayaasha howsha dayactirka adiga oo adeegsanayo hadba xawaaladii kuu sahlan ee aad wax ku diri kartid.
Aadan Keerow: Tel: 00252615235514
Ibraahim Karbur: Tel:00252615505817
Xasan Gaduudow: Tel: 00252615571712
Daahir Mayow: Tel: 00252615010005
Cabdicasiis Sheekh Nuurow: Tel: 00252615593932
Xafiiska war qabadka Baidoa media ee,
Baydhabo Janaay.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com
Lacagaha ka soo xaroota Canshuuraha ayaa ku filan in lagu dhiso Isbitaal Cusub, laguna dayactiro kii hore.
Laakin inta Tuugada muqayiliinta ah maamuleyso Gobolkaas tuugsi lagama baxaayo ee Runta aan isku sheegno.