Thursday, June 20th, 2013

Gabaygii 17aad “Sokeeye” ee Silsilada Sallaamaley.

Gabaygani wuxuu ka mid yahay gabayada dabo socda silsiladda “Sallaamaley ee uu bilaabay Abwaan Xasan Daaci. Iyadoo aaney jirin shakhsi weerar islamarkaana loo furey silsiladda sidii ay isku weydaarsan lahaayeen abwaannada qarnign ee soomaaliyeed, ayaa haddana waxaa muhiim ah in qofkastaba fikirkiisa soo gudbiye iyo sidda wax la yihiin markaas gabaygan Sokeeya wuxuu ka turjumayaa fikirka aan qabo. Isagaana Isku Kiin Fasiraaya, Akhris Wacan

 

Sa’da gabayga maan tirin Cabdow, saaxiib waayadane

2.  Ma sargoynin maansooyinkaan, saamigow helaye

3.  Waataan ka seexdeen ka tagey, joojay saristeede

4.  Hadba Sagalkii joogiyo waqtigaa, suulka ii rogo’e

5.  Sallaamaley warkeedaan Maqloo, saaka soo halaye

6.  Sugay oo akhriyey Jaalkayow, siinka tiriseene

7.  Aniguna sokeeyaan tirshoo, saaka raacsadaye

8.  Sakashiyo bal aan furo Intii, weedha sadarkay ah .

 

9.  Maandeeq sadkeedii dhankey , saaxiib waa lumaye

10.              Aakhiray saldhigatoo Ragyahow, Mawdku socodsiiye

11.              Sahankay xumeeyeen markuu, saancadlii tagaye

12.              Ragbaa maalmo siistoo Cabdow, suuban geed dhigaye

13.              Saas waxay u falayeen Innaba, saafi baan jirine

 

14.              Sabigii lasoo korin lahaa , Sumici naafeeye

15.              Samaantuu arkaayaa mar qudha, soo gabaabsidaye

16.              Sinta waa la saaroo haddana, seexan kari waaye

17.              Wanaag looma sabinee Runtii, waa la sii dilaye

18.              Sabuux gaadhisteediyo ma arag, waagi sadataale

19.              Ku saqiir caruurnimo dhallaan, Aan socdaal barane

20.              Silic bow dhamaa Waaayaduu, saaxirkii yimiye

21.              Siyaad baa haddana sii diloo, iilka sii dhigaye

22.              Sidaas buu ku hoydoo markale, loo sawiranayne

23.              Waxba ha ii salixin  midnimo, maanta soconeyne

24.              Horaa laysku seegoo markale , laysku  siraheyne 

25.              U saldhiga xaajadu ragyahow, waa noo sasabo diide!.

 

26.              Afartaasna  siinkaan bartiyo, sawdka kaligey dhe

27.              Ma sarbeebay gabay waan suntaa, Saacaddaan marine  

28.              Ma u dhigay tubtii uu Salaan, Mariyey Suugaanta

29.              Ninba gabayga meel buu saraa, saafay dabadeede

30.              Aniguna ma seegoo Murtida, woow saldhigayaaye

31.              Balaan seeska uu leeyihiyo , dhidib ku saameelo.

 

32.              Sabiyo iyo ciroolaba wixii , Suug lamarinaaayey

33.              Sidaan layba kala soocinee, Layna kala saarin

34.              Sarahayga dhaadheer wixii, Saaruukh lala eegtey

35.              Walaalnimadu saas maaha ee, soodhkaad igu boobtay

36.              Saamax baan ka qaatoo Haddeer, yeeshay sifadaase

37.              Ma sargoynin xaajoo Marnaba , Seef ma qabadsiine

38.              Hadba dhaawac seedduu kuyaal, socod ka muuqiiye  

39.              Horta waa su’aal muuqatee, Aawey samahaagu!?

40.              Soddon sano  sagaal uun la’baad , saaka tiriseene

41.              Horta waa su’aal muuqatee, Aawey samahaagu!?

 

 

42.              Afartaasna  siinkaan bartiyo, sawdka kaligey dhe

43.              Ma sarbeebay gabay waan suntaa, Saacaddaan marine  

44.              Ma u dhigay tubtii uu Salaan, Mariyey Suugaanta

45.              Ninba gabayga meel buu saraa, saafay dabadeede

46.              Aniguna ma seegoo Murtida, woow saldhigayaaye

47.              Balaan seeska uu leeyihiyo , dhumucda suureeyo.

 

48.              Saddex  iga dardaarana haddaan, qaado samirkooda

49.              Sunto oo ku dhigo meel habboon, taariikh sadarkeeda

50.              Haddaad kuba  silloonaan laheyd, yeelo sasabteeda

51.              Sool iyo sanaag iyo  ilaa, saylac iyo awdal

52.              Burco seeraheediyo ilaa, saaxil iyo sheekhna

53.              Calankoo la sudho oo babada, saaka aragtaana

54.              Waa sida cirkaas oo kalee, qaado samirkeeda

55.              Sokeeyiyo xigaal beynu nahey, oodda kala seestay

56.              Saasaan dan moodaye samow, qaado samirkeeda

57.              Halna waa sarbeeb iyo Siroo , saaka furimaayo

58.              Waa sagal Ileysoo wax badan , Loo sadtirinaayo

59.              Waa subax arooryaad Maruun, suugaan iman doonta!.

 

60.              Gabaygii sabbeeyee bal waan,  soo afjarayaaye

61.              Innagoo sinnaan Qaadannoo, soohdin kala yeesha

62.              Oo samaan ku naalloona oo , nabad ku saameelan

63.              Oo sabaan wixii dhacey dhammaan, saamax kala qaata

64.              Oo deris  sokeeya ah Sugnoo, seedi wada haada

65.              Sharaftaa sidaas sheegaysee, sacab ku taageera!

 

Curiye: Maxamed Cabdillaahi Guuleed “Maxamedburco”

E-mail: maxamedhoney@hotmail.com

Kampala, Uganda

 

Sharaxa Erayadda:
(1) Cabdi Waa Cabdiraxiim Hillowle Galeyr

(5) Sallaamaley, Waa Silsillada Magaceeda

(7) Sokeeye, Waa Gabayga Magaciisa

(12) Suuban, Waa Hal Magaceed, Balse Maandeeq Ula Jeedo

(18) Sabuux Iyo Sadataal, Waa Laba Biloodoo Ku Jira Bilaha Soomalidu Tirsato

(21) Siyaad Waa Maxamed Siyaad Barre

(25) Sasabo Diid Waa Gabaygii 9aad Ee Khadar Hassan Adam

 (28) Salaan, Waa Salaan Carrabey

 

FG: Haddii aad doonayso inaad ka qaybqaadato Silsiladdan suugaaneedee Siinleeyda ah ee “Sallaamaley”haddii ay jiraan talo, tusaale iyo toosin, waxaad kala xidhiidhi kartaa magacyadan hoos ku qoran:

1.Xasan Faarax Abiib (Xasandaaci) daaci77@hotmail.com

2. Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com

3.Cabdiraxiin Hilowle Galayr galayr1977@hotmail.com

 

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to Gabaygii 17aad “Sokeeye” ee Silsilada Sallaamaley.

  1. George says:

    suldaan smataer cabdilaahi yusuf tacsi kaagama baahna ee waxa kaaga baahan inaad u hadasho dadkii tolkaa ee snm ku gumaaday dhulkeena oo weli aan la tusin dadkii la dhashay cadaalad.hadalku waa wax tar ummaduna waxay kuu qireysaa inaad tahay nin waxter leh.ogsoonow markaad dhiiga walaalkaa ka aamusto inaanad shisheeyana sharaf ku lahayn,maxaa yeelay waxay ku ogyihiin damiir xumadaada.waxan innigula talin lahaa adiga iyo qaar kale inaad is bedl isku samaysaan oo aad joojisaan fiirada dhexdiina ah una soo noqotaan midaynta tolka sidii odayaasheenii ay ahaan jireen waqtigii siyaad barre ee arrimaha guud ee reerka ay meel uga soo wada jeedeen waad mahadsan tihiin

Leave a Reply