Saturday, May 18th, 2013

Gabaygan “Raali_Gali Alle” Waxa Tiriyey Abwaan Ismail Abdi Aden “Waasuge”

{ Raali_ Gali Alle }
Gabaygan Raali~Gali Alle Abwan Ismail Abdi Aden ”Waasuge,, Waxuu Kaga Hadlaya Dhibka Iyo Dheefta Labadaba In Aad Ku Raali Noqoto Oo Aan Ku Qanacno Wax Kata Ee Inoga Yimaada Xag Alle Swt !

1:Marka Roob Yimaadaa Ardladu,Raaxo Noqotaahe,
2:Reerahu Nagaadaa Dhulkoo,Raranku Daayaahe,
3:Xoolahana Ku Reystan Dhirtoo,,Caleenta Ruugaane,
4:Rabbi Lagu Xasuustaa Nimcada Iyo,Wax Kastoo Roone,
5:Rogey Oo Ujeedada Mar Kale,Ruxey Abaartiiye,
5:Reys ka Oo La Waayaa Xumaa Adoo,Rajo Laguu Sheegey,
6:Rootiga Oon Laheli Karin,Miyaad Jawi Ku Raaxeysan,
7:Reyn~Reyn Iyo Gali Kartaa,,Riyo Barwaaqeysan,
8:Rabbi Baa Lagu Xasuustaa,,Raad Kaastood Qaadi,
9:Rogey Oo Ujeedada Mar Kale,Ruxey Wanaagiye,
10:Saan Raacay Dunidoo Salkiyo,,Rubada Soo Taabtay,
11:Runtana Abaaraye Ku Iri,,Walal Wanaag Raadso,
11:Ku Riyaaq Halkii Rooon Intaad,Duni Ku Raageyso,
12:Raali Gali Illahay Mar Waliba,,Oo Raadka Qaadeyso,
13:Rogey Oo Ujeedada Mar Kale,Xumaha Sii Raafey,
14:Ha Ruqaansan Waligaa Adoo,,Reer Islaam Heesto,
15:Ruufyanimadana Ka Dheerow Intaan,Risaq Eebe Kuu Diidin,
16:Hana Rafiiqsan Sheydaanku Waa,,Hoy Rafaadeede,
17:Raali Gali Raxman Kana,Waqtigu Wuu Rogmanayaahe,
18:Rogey Oo Ujeedada Mar Kale,Rajada Soo Taabtay,
19:Ruux Kastoo Adunyada Ku Nool,,Rajadu Waa Horseedkisa,
20:Runta & Beentuna Ku Badana,Hadaad Raali Ku Ahaani,
21:Adigoo Is Wada Raacshey Bey Kusiin,Xaaarin Ramaseede,
22:Qofna Uba Rucleeysaa Asoo,Raadin Ebedkiise,
22:Raali Gali Ilahay Qof Kastoo,Mar Beey Kuu Rumoobehe,
23:Rogey Oo Ujeedada Mar Kale,Rali Galin Doonay
24:Hadaad Duni Rafaadoo Waqtiga,Rabbi Gu Ka Haysto,
25:Reys Qaboow Baa Jiro Iyo Raran Aduuneede
26:Reer Iyo Rafiiquba Midkood,,Waxba Kuma Raadshaane
27:Raashin Kaba Mar Baad Weysaa,,Adoo Taajir Reereed ah,
28:Allahayow Adaan Raali Kaga Nahoo,Kugu Rumeeynaahe
29:Mar Kastana Kugu Raali Galin,Meel Kasto Rorogno !!
30: Raxmadada Kama Quusanee Ogoow,Waan Ku Raad Joogi
W/T: { Ismail Abdi Aden “Waasuge” }


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply