Sunday, May 19th, 2013

Gabay xiiso badan. ( BUUFIS) By: Maxamed Cilmi Dhicisow.


( BUUFIS )

W/Q: Maxamed Cilmi Dhicisow

1. Buufis deris ma noqoteen
2. Intuu beerka kaa degay
3. Beladkaa ma kaa rarey
4. Ma ku geeyay buuliyo
5. Xero qaxooti buuxaan

6. Waa qiso balaayee
7. Buufis weli ma kugu yiri
8. Berberayo boorame
9. Baay iyo bakool
10. Beladweyn ka soo dhoof
11. Badda soo dhex jiidhoo
12. Haddey kula bariiqdiyo
13. Haddii lagu badbaadshaba
14. Waxaa tahey bukaan socod
15. Bela badan sugaysoo
16. Weli aan baxnaaniyo
17. Bayd fiican loo furin
18. Been maaha hadalkuyoo
19. Beledkaad u socotiyo
20. Bartaad booqanaysaa
21. Kugu boodi karayoo
22. kuu soo bixin karaayee

23. Waa qiso balaayee
24. Buufis weli maku yiri
25. Ku soo biib dayuuradoo
26. Adoon arag bahal
27. Baqdin iyo dhibaataba
28. Baahidaad laheyd iyo
29. Wal-walkii bugtadee
30. maanka belada ku harqiyay
31. Maka booddey gebiyoo
32. Baarliinyo burtuqaal
33. Dalxiis ma u bareertoo
34. Beljim ma u dawaaftoo
35. Ma u aaddey booqasho
36. Badweynta hindiyoo
37. Ma ku daayey boholyowgi
38. Beerka iyo wadnaha galey

39. Misa waa ku bunqa jarey

40. Intuu beecad kuu jilay
41. Buun-buunis kuu galey
42. Berri soo bax kugu yidhi

43. Farxad iyo badhaadhiyo
44. Bash-bash ma u riyaaqdoo
45. Intuu baalka kaa galey
46. Beesa keen ma kugu yiri

47. Bangiyada ma aadoo
48. Hantidii bishii hore
49. Bulsho soo aruursheen
50. Ma soo bixisay gebiyoo

51. Waagii ma kuu beryay
52. Adoo baay ku wada yiri
53. Asxaabtaad is barateen
54. Amaad bah wadaagtiin
55. Badhni iyo bidhaan qurux
56. Baxsan iyo bureeqiyo
57. Bashiir iyo bishaaraba
58. Ma isku soo baxeenoo
59. Boodhari ma kuu yimid

60. Marxabbiyo bishaareyn
61. Iyo bogaadin dabadeed
62. Waxaa tahey nin baxayoo
63. Buuraha dushoodiyo
64. Badda safar ku marayee
65. Badar kaad cunaysiyo
66. Boorsadaad laheyd iyo
67. Wixii buusho kuu yiil
68. Intaad bixisay gebigood

69. Bahda BBC-diyo
70. Bogga internetkuba
71. Maku baahiyeeyoo
72. Xaflad, caruus ka qurux badan
73. Baashaal, sagootinyo
74. Bilkheyr wacan ku soo noqo
75. Ma ku kala baxdeenoo
76. Buufis been ma kuu jilay
77. Illeen waa ku buufshee
78. Ma ku baadiyeeyoo
79. Ballantii ma baal maray

80. Waxaad beeratoo idil
81. Ma ku bixiyay beenoo
82. Ma burburiyay maalkii
83. Boqolaal iyo dhowr sano
84. Bahdu soo wadaagtoo
85. Ma bood-booday dabadeed
86. Burcaddii wax kaa dhacey
87. Miyaad baadi goobtoo
88. Bulxamaan wax tari Karin
89. Baryo aan lagaa rabin
90. Ma u badisay hadalkii
91. Baadkii wax soo celi

92. Waa qiso balaayee
93. Weli miyaad isbarateen
94. Boogta aan la dhayinoo
95. Baaska kicisay waayadan
96. Mise waad ka baridoo
97. Waxaa tahay barbaar wacan
98. Waddankiisa beertoo
99. U bukoonin abidkii
100. Bariis iyo bulaandiyo
101. Belad uu u dhalan iyo
102. Biil loogu deeqaba

103. Ba’da gabayga maansada
104. Baraarugiyo waanada
105. Yeynan ka beyrine
106. Birtii xagaf ku siidiyo
107. Boogtii ku damaqdayiyo
108. Wixii beerka kaa guba
109. Bayd gabay kusoo duub.

MANSADAN BUUFIS WAXAA CURIYEY

”Maxamed Cilmi Dhicisow”

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply