Gacal iyo xigaal baan nahoo,
Stateyo ukala Go’imeyne,
Gardaro dooni meynee,
Gumeysi waan diidnoo,
Umadyahay Gacmaha an
Isqabsano.
Qof Gacan kaga baahan,
Waa loo Gargaaraayee ,
Xooga dalka Gaashaman,
Gurmad bey rabaanee,
Umadyahay Gacmaha an
Isqabsano.
Gefkaan sameyney iyo,
Godob dib ha u eegine,
1luulya baa la Gaaroo,
Guusha aan hiigsanee,
Umadyahay Gacmaha aan
Isqabsano.
Madaafiicda Goobtiyo,
Gantaalo rido dheer,
Hoobiya isku Garacno,
Fa’do laguma Gaaree,
Umadyahay Gacmaha an
Isqabsano.
Geesiyiin soomaaliya ba,
u Geeriyoodey calankan,
God baaxad yar iyo,
U Galey iil mugdi ah,
Umadyahay Gacmaha an
Isqabsano.
Guud ahaan soomaaliya,
Gees ilaa iyo gees
Guryasan iyo nabad,
Guule ha ina siiyee,
Umadyahay Gacmaha an
Isqabsano.
Guurtidaan laheyn,
Geed hoostii bey
Intey Gogol dhigtaan
Talo ku Gorfeen jiren,
Umadyahay Gacmaha an
Isqabsano.
Maamul Gobolediyo,
Shacab kala Go,an,
Groupyo ukala degan,
Colaad Guran weeyan,
Umadyahay Gacmaha an
Isqabsano.
Midib an la Gaarin iyo,
Geesiyiin aan gaban,
Sumcad gaar ah bey
Dadka nagu gartaan,
Umadyahay Gacmaha an
Isqabsano.
Calankeena Goortii,
Garabka lagu sidey,
Gabey iyo jiifto,
Geeraar loo tiriyoo,
Umadyahay Gacmaha an
Isqabsano.
Wabigii Ganaana iyo,
Shabeelloo Garka,
Biyihu Gaareen,
Gaar ban u leenahoo,
Umadyahay Gacmaha an
Isqabsano.
Guud ahaan xoolaheena,
Geel iyo ari qurxoon,
Lo gaar ahaaneed,
Dadka nagu gartaane,
Umadyahay Gacmaha an
Isqabsano.
Gacma wada jir iyo,
Garaad wacan baa,
Gayi lagu dhaqaayee,
Nabad ku Gaadhaan,
Umadyahay Gacmaha an
Isqabsano.
Gacanteenii midig,
Gunta ban ka jarno,
Gaahi ban ku nolnaho,
Iyo meel aan garaneyn,
Umadyahay Gacmaha an
Isqabsano.
Go;doon ban ku jirna,
Xabsi baan Galnoo,
Gaala iyo cadow,
Baa nakala Geeyoo,
Umadyahay Gacmaha an
Isqabsano.
By Abwaan Nuurdiin Haaji “ Gacma”
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com