Friday, May 24th, 2013

Gabay cusub, (Baydhabo Janaay iyo abwaan Isaakh Unishef).

Baydhaba Janaayeey

Bilicda tii wacneydeey

Boholyoow daraadaa

Beerka tuu i jeexmeey

Buula Nuurii Busley iyo

Berdaaliyo Horseediyo

Buula Jameciyo Banjawani

Barbaartii Aawsheeniyo

Barxaddii jardiinada

Berdihii Bincalwaan

Beerihii carabtiyo

Beydaankii ku yiilay

Isha Baydhaboodiyo

Biyadhacii Garbada iyo

Bohoshii Urugey iyo

Bohoshii Warqudaaw

Bohoshii Salaamey

Bohoshii Jallaata

Boholaha is dhaafiyo

Buundooyinka isku gudban

Billuhu ku maneysteey

Bariithe se haayti?

 

Baydhaba Janaayeey

Boqoraddii magaalaay

Beledkii akhyaartaay

Bud-dhiggii dowladnimadaay

Beeluhu kolkay is diidaan

Dowladdii soo bidhaantaba

Tii lagu barbaarshee

Billowga loogu yagleelee

Loo baxsanayey baad tahay

 

Baydhaba Janaayeey

Bahjaddii nafteydaay

Biiyaxawdii dadkeygaay

Beyazaanigaagi baan ahay

Kii aad baxnaanisee

Bagga aad ku korisee

Barbaartiyo dhedheeshiyo

Baashaalkiyo cayaartiyo

Banooniga isboortiga

Arday wada bariimaa

Ku beretama culuumtiyo

Bare macalinkeygiyo

Boqolloow waalidkeyga

Bay’addaa qurxoon iyo

Neecawdaada uduggaa

Ku barbaarayoo koray

Ku bulaalay baan ahay

 

Baydhaba Janaayeey

Baarigaagi baan ahay

Ballantaadu maan furin

Abaalkaagu maan bi’in

Beerkiyo wadnaha iyo

Halbowlahaad butaacdaa

Marna inaan ku baylihinin

Baalashaada buuxshoo

Baydada kuu garaacaan

Ballan kuugu qaaday

Balowleey iyo berisamaad

Berigii la joogaba

Baraare inaad ku waartaan

Billaha kaaga tuugiye

Berisamaad ku nooloow

Bashbash iyo barwaaqiyo

Ahoow beertii raaxada

 

Isaak Hassanow

Melbourne, Australia

unishef@live.com


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply