Kadib markii ay hawgal ka fuliyeen degmada War dhiigley ayay ciidamada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya kusoo furteen gaari uu lahaa Dr C/llaahi Sheekh Xuseen “Bushkuleeti” kaasoo ay horay u dhaceen dabley burcad ah oo kula dhuumaaleysanayay qaybo kamid ah degmada Wardhiigleey.
Khaliif Axmed Ereg, taliyaha ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay inay kusoo qabteen hawlgalka ka dhacay degmada War dhiigleey sadex nin iyo hubkooda oo meel ku haystay gaariga ditoorka.
Gaariga oo uu noociisu yahay Caarib ayaa loosoo bandhigay warbaahinta ayada oo ay uu sidoo kalena ka mahad celiyay soo furashada gaarigiisa ditoor Bushkuleeti oo la dhacay 18kii bishii lasoo dhaafay ee June ee sanadkaan.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com