Sunday, May 19th, 2013

Furitaanka bacadlihii Xamarweyne oo dib loo dhigay.

Waxaa dib loo dhigay furitaanka bacadlaha Xamarweyne sida uu sheegay maamulka gobolka Banaadir oo arintaas maanta ka hadlay.

Shir jaraa’id oo uu maanta warbaahinta u qabtay afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa waxa uu ku sheegay in dib loo dhigay waqtigii lagu balansanaa in la dhigo munaasabada lagu kala qaadan lahaa baqtiyaa nasiibka lagu dagi lahaa suuqa weyn ee Bacadlaha dagmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka ayaa sheegay in dib loogu dhigay qaybinta baqtiyaanasiibka ilaa iyo 25 bishaan aan ku jirno ee Oktoober ayada oo ay munaasabada qaybinta baqtiyaanasiibka lagu degayo qolalka bacadlaha Xamarweyne lagu qaban doono City Plaza Hotel.

Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa ganacsatada bixisay lacagta ugu baaqay maalinta ay dhaceyso munaasabada baqtiyaa nasiibka in ay horay u soo qataan dukumiintiyadii ay ka qaateen xafiiska diwaan gelin.

Bacadlaha Xamarweyne ayaa la dhisay sanadii 1981dii ayada oo ay qoysas deganaayeen xiligii dagaalada sokeeye ay ka socdeen magaalada Muqdisho ilaa ay dowladii KMG ahayd ka saartay qoysaskaas iyo dadkii gacanta ku hayay dhismaha bacadlaha Xamarweyne.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply