Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay maanta dadka reer Muqdisho iskugu hambalyeynayeen in loo magacaabay xilka raisalwasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay arinkaas.
Isaga oo la hadlayay idaacadaha Muqdisho ayuu yiri sida tan, ”Aniga ma helin wax warbixin la igu magacaabo, waxaa iska qiyaasayaa wax sax ah oo soo baxay ma ahan, Madaxweynaha wada tashi ayuu wadaa, waqtigiisa haloo daayo”
Dhanka kale waxa uu ugu baaqan shacabka inay is dejiyaan oo aanay jirin wax si rasmi ah loogu dhawaaqay isaga oo sidoo kalena sheegay inuu quud dareynayo xilka raisalwasaaranimada Soomaaliya, ”Waa daneynayaa, wax sax weeyaan, laakiin waxa hada dhacaya wax rasmi ma ahan, dadweynaha waxaa leeyahay guryihiina ku noqda”
Hadalka kasoo yeeray Farmaajo ayaa imaanayo xili ay dadweyne fara badan iskugusoo baxeen maanta magaalada Muqdisho ayaga oo iskugu hambalyeynayay in mudane Farmaajo mar kale loo magacaabay xilka raisalwasaaraha Soomaaliya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com