Thursday, May 23rd, 2013

FARIIN CULUS: SHIR UU HOGAAMINAAYO NABADOON SHEEKHII MAXAMED HINDI OO DIGNIIN IYO FARIIN U DIREY SHARIF SHEEKHUNA IYO XEYDAR MAYE

Shir ay jaaliyadaha beesha reer Baraawe, gaar ahaan Beesha Shangamaas (Tunni) ee ku yeesheen teleconference iyo wada-tashi lala sameeyey odayaasha iyo waxgaradka beesha ee ku dhaqan dalka dibadiisa iyo gudihiisa, isla markaasna iyadoo la tixraacaayo baaq ay Bisha August magalaada Muqdishu kasoo saareen waxgaradka, salaadiinta iyo mas’uuliyiinta gobolka Baraawe, gaar ahaan Beesha Tunni. Waxay ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa inuu maanta na soo gaaray warar sheegaaya in Qaswade Xeydar Maye iyo S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye ay dhibaatooyin iyo hanjabaad adag ay ku hayaan rag ka tirsan beesha Tunni.  Labadaan shaqsi ayaa jirdil iyo xarig u geystey nabadoona iy waxgarad fikrad ahaan iska hormid ragaan musuqmaasiqa ku sifoobey.

Nabadoonka Sare iyo Odeydhameedka caanka Sheekhii Maxamed Hindi (Sheekhii Lafeelo) ayaa shirka si kulul uga hadaly isagoo ku tilmaamey fal xumada iyo khaska Xeydar Shariif Sheekhuna ay ku hayaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan beesha Tuni in ay tahay wax aan loo dulqaadan Karin.  Ragaan oo ka soo horjeestey Suldaankii dhabta ahaa Suldan Faqi, waa dad ka soo horjeestey rabitaankii tolka oo si buuxda Columbus, Ohio ugu caleemo saartey Suldan Faqi.  Marnaba yeeli meeyno in qof aan beesha rabin in hogaan nalaga dhigo.  Cidii ka hor timaado rabitaankeen iyo Suldan Faqi waan ka horta geynaa beled iyo baadiyo meel weliba aan joogno.  Waxaana ku qaban doonaa gacan bir ah.  Nabadoon Sheekhii oo ah nabadoon ciriir wanaagsan iyo taageero ka sita beesha Tuni oo dhan gaar ahaan kuwa ku sugan Baraawe, Kunya Barrow, Xaranka, Gebgeba, Jilib iyo Kismaayo.

S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye waa wax la ogyahay oo jaraa’idyada iyo websiteyadaha ku qoran beesha Tunni ummadaheeda oo dhan ay ka warqabaan in uu rabo nin asaga ay ilmo adeer iyo isku jufo hoose wada yihiin uu u xoogo saldanada beesha Tunni,  laakiin waxaa ay odayaasha oo dhan ay isku raaceen in wax lala yaabo ay ku noqotay habka anshax xumidda uu ku dhaqmaayo S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye.

Sidaasi darteed, waxay beesha  halkaan kusoo bandhigaynaa fariin culus oo ku socota Madaxweynaha Cusub, Wasiirka Arimaha Gudaha, Madaxda AMISOM iyo taliyaha Nabadsugida dawlada Shiikh Shariif:-

  1. Marka hore waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in hadaan nahay beesha reer Baraawe (Shangamaas-Tuni) in kooxo calooshood u shaqeyste ah uu hogaamiyo Sharif Sheekhuna Maye ay si qabiilnimo iyo xaqdarro ah u aftuubteen  Cabdullaahi Cabdi Shire Sheekh .
  2. Waxaan madaxwayne Shiik Shariif la socodsiinaynaa inuu tilaabo deg deg ah ka qaado falka guracan ee laga afduubtay Cabdullaahi Cabdi Shire Sheekh isla markaasna haddii uusan tilaabo cad qaadin in markaas inuu asagu mas’uul ka yahay sharafta iyo badbaadinta nolosha Cabdullaahi Cabdi Shire Sheekh.
  3. Waxaan Dowlada hada xilkeed sii dhamaadey ee Shaqaaleysay awoodka wax uu ku gumaado siiyay S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye aan si cad ugu sheegaynaa inay Masuul ahaan iyagu qaadi doonaan wixii dil am dhaawac loo gaysto Xoghaya Suldaanka Beesha Shangamaas iyo laba Tol Cabdullaahi Cabdi Shire Sheekh.
  4. Xildhibaanada cusub iyo Afhayeen Jawaari waxaan ugu baaqaynaa inuu bayaan cad kasoo saaro arinta waxashnimada ah ee lagula kacay Xoghaya Suldaanka Beesha Shangamaas iyo laba Tol Cabdullaahi Cabdi Shire Sheekh.
  5. Ugu danbayntii beesha reer Baraawe gaar ahaan beesha Tuni waxay la socodsiinaysaa ciidamada AMISOM, IGAD iyo xafiiska UNPOS in nabadgelyada iyo nolosha Xoghaya Suldaanka Beesha Shangamaas iyo laba Tol Cabdullaahi Cabdi Shire Sheekh ay tahay mid khatar ku sugan isla markaasna aysan maanta Muqdishu joogin ciidamo Soomaaliyeed oo dhexdhaxaad ka noqon kara nolosha shacabka iyo xildhibaanada Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdishu isla markaasna ay Muqdishu noqotay meel dad gaar ah heystaan.

 

Gudiga ilaalinta sharafta iyo karaamada beesha Reer Baraawe.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply