Allaha u naxariistee waxaa goor dhawayd lagu dilay magaalada Baydhabo nin si weyn looga yaqaanay magaaladaasi laguna magacaabi jiray Fanax Xaaji Mad Guurow.
Dilka Fanax ayaan la ogeyn cida geysatay balse wararka waxa ay sheegayaan inuu Fanax Xaaji Mad Guurow u shaqaynayay hay’ada Islamic Relief ee magaalada Baydhabo ka hawlgasho.
Marxuumka ayaa waxaa lagu hor dilay masaajidka Sheekh Aadan Geelidle oo ku yaalo kasoo horjeedka Bankiga dhexe ee magaalada Baydhabo halkaasoo ay deganyihiin ciidamo katirsan dowlada KMG Soomaaliya.
Waa dilkii labaad ee ka dhaca isbuucaan dhexdiisa magaalada Baydhabo ayada oo ay dhawaan un ahayd markii lagu dilay magaalada gudaheeda wiil uu dhalay ganacsade caan ka ahaa magaalada balse si weyn u taageersanaa Xarakada Alshabaab oo horay uga arimin jirtay magaalada Baydhabo.
Dadka magaalada ayaa sheegayo in dilalka soo kordhayo ay qayb katahay amni darida kajirto magaalada ayada oo inta badana lagu eedeeyo dilalkaas Xarada Alshabaab iyo ciidamada PSTa loo yaqaano ee katirsan ciidanka dowlada KMG Soomaaliya.
Wixii warar ah ee kusoo kordha dilka ka dhacay magaalada Baydhabo kala soco shabakada wararka baidoamedia.com.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com
INAA LILHAAI WA INAA ILEHI RAAJICUUN
ALLA HA U NAXRIIISTO FANAX. INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN. ASAGOO SALAADA MAQRIB KA SOO BAXEY AYAA LA DILEY. HADABA QOF WAAJIBAADKII ALLA SOO GUTEY OO DILKIISA BANEYSTA, MAXAA LAGU TILMAAMI KARAA? ANIGA WAXAAN QABAA, WAA MUNAAFAQ OO NAARTA MEESHA UGU HOOSEYSA HA U DIYAAR GAROOBO. JAWAAB KALE MALAHAN. URUR KASTO KA TIRSANAAW, DOWLAD SHEEGO, AMA MID DIIN SHEEGO, WALLAHI , WAAD HALAAGSANTEY. ALLOW NAGA QABO KUWAAN DHIIGEENA BANEEYSTAY. YAARABI, YAAA RABI, YAA RABI.
ALLAHUMA IRXAM, ALAHUMA, IRXAM, YAARABI…
Inaa Lillaah wa inaa illehi raajicuun,, Alla ha u naxariisto … oo muxuu galabsaday masaan baa xaq ah mise in labanaysto umadda dhiigoodaa ,,qofkii waxaan sameeyey waxaa alle uga baryaynaa inay \jahanama noqo abaal marintiisa iyo kuwii kadanbeeyeyba amiin ,,fanax adna waxaan alla kaaaga baryaa inuu Ilaahay kuugu abaal mariyo Janatul firdowsal aclaa amiin ,,,, runtii aad ayaan uga naxay…