Fanaanka caanka ah ee caalamka iyo dalka Senegalba sida weyn looga yaqaano ee Youssou N’Dour ayaa waxa uu ku dhawaaqay inuu isku soo taagayo xilka madaxtinimada dalkiisa doorashooyinka dhacayo bisha Febraayo ee sanadkaan 2012ka.
Youssou N’Dour oo si weyn loogu yaqaano xaga muusiga ayaa ay ku dhawaaqistiisa ah inuu u tartamayo jagada madaxtinimada dalkiisa waxa ay ka yaabisay in badan oo ah taageerayaashiisa xaga fanka iyo dadka caadiga ah ee reer Senegal maadaama aan horay loogu aqoon dhanka siyaasada.
Fanaankan ayaa waxa uu doorashada madaxtinimada dalka Senegal kula tartamayaa madaxweynaha rug cadaaga ah ee dalkaasi Cabdulaahi Wade oo mudaba kasoo ariminayay dalka Senegal, waxaa sidoo kale doorashada ka qayb qaadanaya xisbiyo si heer sare ah u abaabulan oo mucaarad ah.
Fanaankan ayaa bilihii u dambeeyayba ahaa mucaarad kasoo horjeeda madaxweyne Wade oo markii sadexaad iskusoo sharaxay xilka madaxtinimada dalka Senegal. Mr N’Dour oo ka hadlayay sababaha uu iskusoo sharaxayo ayaa yiri ”Waan dhegaystay, waan dhegaystay waana ka jawaabayaa” isaga oo ula jeeday codsiyo dhowr ah oo dadka kaga yimid kuwaasoo ahaa bal in mar un oo koofiyadiisa kusoo dhex tuuro xeendaabka siyaasadeed maadaama lagu yaqaano inuu koofiyada ku dhex tuurto masraxa muusiga.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com