Fnaanada caanka ah ee lagu magacaabo Lady gaga ee u dhalatay dalka Mareykanka ayaa waxa ay go’aansatay inay kansasho show ay ka dhigi lahayd dalka ugu Muslimiinta badan dunida ee Indonesia kadib markii ay jabhada difaaca Islaamka oo ka jirto dalkaasi ku hanjabtay inay carqaladeynayso showga islamarkaasna ay kumanaan Muslimiin ah banaanbaxyo ka dhigeen dalka Indonesia si ay uga hor istaagaan fanaanadan inay dalka Indonesia ku qabato showgeeda.
Jabhada difaacayaasha Islaamka ee dalka Indonesia ayaa sheegay inay Lady gaga tahay adeegaha Sheydaanka taasoo marka ay masraxa saarantahay ee ay heesaysana xirato nigis/kastuumo iyo rajabeeto/rajasiin keliya.
Dadka mudaaharaadyada dhigayay oo ka kala socday kooxo badan oo Islaamiyiin ah ayaa waxa ay iskugusoo baxeen wasaarada cadaalada, siyaasada iyo xaquuqun Insaanka xafiiska ay ku leedahay magaalada caasimada u ah dalka Indonesia ee Jakarta ayaga oo watay boorar ay qaarkood ku qoranyihiin” Naarta gal Lady gaga” iyo erayo kale oo ka dhan ah fanaanada.
” Ma aqbali karno, midan, waa innaan diidnaa, waxaan nahay Muslimiinta ugu badan caalamka” sidaas waxaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters Ayub Naji Bin Saciid oo kamid ahaa dadka wax ka hogaaminayay banaanbaxyada ka dhanka ahaa lady gaga.
Fanaanada lady gaga ayaa waxa ay caan ku tahay xirashada dharka aadka ugu dhegan iyo kuwa mararka qaar muujinaya qaybo kamid ah cawradeeda ayada oo ay arintaasina kasoo horjeesteen Muslimiinta muxaafidiinta ah ee dalka Indonesia.
Dalka Indonesia ayaa waxaa ku nool 240 milyan oo Muslimiin ah kaasoo ah dalka ugu Muslimiinta badan caalamka islamarkaasna ay u arkaan Mareykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka tusaale fiican oo muujinaya sida ay dimuqraadiyada iyo Islaamka sikaga bar bar shaqayn karaan.





Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com