LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

FALANQEYN SIYAASADEED MAAMUL-GOBOLEEDKA KOOFUREED (Southern State of Somalia)

Doodda ugu xiisaha badan ee haatan ka socota saaxada siyaasadeed ee Digil-i-Mirifle waa tirada gobollada uu ka koobnaanayo dhismaha Dowlad-Goboleedka 'Koofureed' ama 'Koofur/Galbeed' ee Soomaaliya. Waxa laysku hayo waa i) lix (6) gobol aan dhisano; ii) iyo saddex (3) gobol aan dhisano. Waxaa laga yaabaa inay jiraan dad kaloo qaba fikrad ka duwan labadaba sideydoo kale oo qaba toddoba (7) gobol aan dhisano, laakiin waxuu qoraalkayagu ku socon doonaa labada ugu horeysa oo keliya maadaama ay iyagaas yihiin kuwa ugu cad-cad ee dooddu ka socoto. Waxaan isku dayi doonaa inaan waxyar ka iraahdo doodda toddobada gobol laftigeeda. Su'aasha is weydiinta u baahan baa waxay tahay, “Maxaa marka horeba keenay in lays weydiiyo oo lagu doodo 'lix aan dhisano iyo mayee saddex-gobol aan dhisano iyo mayee …………?” Jawaabta waxaan ka fahmi doonnaa qoraalka, inshaa'allaah”.

Intaanan guda gelin dulucda qoraalka bal aan marka hore waxoogaa ka niqaasho magacyada midkoodee munaasib ku ah dowlad-goboleedka, KOOFUREED mise KOOFUR-GALBEED; dabadeed waxaan guda geli doonnaa ka hadalka xuddunta qoraalkayaga ee ah sababaha lagu saleyn karo kala doorashada labada qaabdhisme: lixda gobol ama saddexda gobol. Waxaan isku dayi doonaa in wixii karaankeyga aan u caddaalad falo ka hadalka labadaa xaaladood; hayeeshee waxaan ka cududaaranayaa inaan arimaha qaarkood aanan si qotadheer hoosta ugu daadegi karin sababo aan halkaan uga hadli karin aawadood.

DOWLADDA KOOFUREED mise KOOFUR-GALBEED?

Haddii la raaco magacyadii siyaasadeed ee ay bixiyeen gumeystayaashii reer-Yurub (1940), siyaasad ahaan Soomaaliya waxay u qeybsantaa laba qeybood waaweyn oo kala ah Waqooyi iyo Koofur. Misna juqraafi ahaan, Koofur waxaa loo qeybin karaa saddex qeybood waaweyn: gobollada Bari; gobollada Dhexe; iyo gobollada Koofureed. Dhanka kale, jihooyinka waaweyn iyana waa afar jiho: Waqooyi, Galbeed, Bari iyo Koofur. Afartaan jiho waaweyn waxaa ka farcama afar jiho yaryar oo kala ah: Waqooyi-Galbeed, Waqooyi-Bari, Koofur-Galbeed iyo Koofur-Bari. Afartaan jiho yaryar iyana waxaa ka farcama siddeed (8) jiho oo kasii yaryar iyagaas waxayna kala yihiin: Waqooyiga-Waqooyi-Bari; Bariga-Waqooyi-Bari; Bariga-Koofur-Bari; Koofurta-Koofur-Bari; Koofurta-Koofur-Galbeed; Galbeedka-Koofur-Galbeed; Galbeedka-Waqooyi-Galbeed; iyo Waqooyiga-Waqooyi-Galbeed.

Sida halka sare nooga muuqata magaca KOOFUR marna waxaa loola jeedaa dhulka Soomaaliya wixii kasoo hara WAQOOYI; dhowaanahaan dambe waxaa bilaabatay in magacii KOOFUR loogu yeero wixiiba kasoo hara gobollada Waqooyi (Somaliland) iyo gobollada Bari (Puntland). Jihada KOOFUR-GALBEED waa jiho fiiqan oo dhacda saddex-meelood hal-meel inta u dhaxeysa halka ay iska galaan jihooyika KOOFUR iyo GALBEED. Si kale haddaan u iraahdo, jihada KOOFUR-GALBEED waa jiho ka farcanta labada jiho waaweyn ee KOOFUR iyo GALBEED, waxayna koobta keliya qeyb ka mid ah marka saddex qeybood loo kala qeybiyo baaxadda u dhexeysa KOOFUR iyo GALBEED. Eeg sawirka hoose jihada Koofur-Galbeed waxay koobtaa inta u dhexeysa labada jiho yaryar ee lagu magacaabo Koofurta-Koofur-Galbeed (SSW) iyo Galbeedka-Koofur-Galbeed (WSW). Halka jihada KOOFUR (S) ay soo gelayaan inta u dhexeysa Bariga-Koofur-Bari (ESE) ilaa laga gaarayo Galbeedka-Koofur-Galbeed. Haddii lays barbardhigo baaxadda labadaas jiho (waa KOOFUR iyo KOOFUR-GALBEEDE) saamigu wuxuu noqonayaa 6:2 ama 3:1 sida ay magacyadooda u kala horeeyaan.

SAWIR TUSAYA JIHOOYINKA WAAWEYN IYO KUWA YARYAR

FURE: N = WAQOOYI; NNE = Waqooyiga Waqooyi-Bari; NE = Waqooyi-Bari; ENE = Bariga Waqooyi-Bari; E = BARI; ESE = Bariga Koofur-Bari; SE = Koofur- Bari; SSE = Koofurta Koofur-Bari; S = KOOFUR; SSW = Koofurta Koofur-Galbeed; SW = Koofur-Galbeed; WSW = Galbeedka Koofur-Galbeed; W = GALBEED; WNW = Galbeedka Waqooyi-Galbeed; NW = Waqooyi-Galbeed; iyo NNW = Waqooyiga Waqooyi-Galbeed.

Waxaa laga yaabaa inaad akhristoow is weydiineysid, “Muxuu qoraagu intaasoo rafaad ah ugu marayaa magacyada KOOFUR iyo KOOFUR-GALBEED, maxaa ka micna ah labada magac midkooda la qaato?” Jawaabtu waxay tahay, magacyadaan maadaama midkood lagu dhisayo dowlad-sharciya magacuna wuxuu noqonayaa mid sharciya, sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in si fiican looga baaraandego magaca la qaadanayo maadaama uu ka tarjumayo baaxadda dhulka dowlad-goboleedka. Hadba magaca aad qaadato ayaa ku kala dooransiinaya labada xaaladood midood: waxaad kala dooranaysaa magaca KOOFUR oo saamigeedu u dhigmo lix (6) meelood ama KOOFUR-GALBEED oo saamigeedu u dhigmo laba (2) meelood baaxadda jihada dhulka ay dowladdaadu koobeyso. Tusaale kale, haddaan soo qaadno sawirka tusaya jihooyinka ee halka sare ku xusan dabadeedna aan dul saarno khariidada (maabka) SOOMAALIYA waxaa kuusoo baxay

cialis online without prescription

sa gobollada dhaca ku aadka jihada KOOFUR-GALBEED waa labada gobol ee BAAY iyo BAKOOL iyo qeyb ka mid ah GEDO.

Haddii laga fursan waayo qaadashada magaca KOOFUR-GALBEED maadaama uu si u caan baxay, waxaan ku talinayaa inuu noqdo KOOFUR iyo GALBEED kolkaasoo ay soo gelayaan dhammaan wixii labadaa jiho waaweyn dhaca. Hore ayaanna u soo tusnay in magaca KOOFUR-GALBEED aan la micna ahayn KOOFUR iyo GALBEED. Magaca KOOFUR-GALBEED waxaad mooddaa in siyaasiyiinteena afka loo geliyey iyana sidaasi ku qaateen sidaasina looga dhaliyey GOOL cajiib ah. Sababta aan sidaasi ugu maleynayo ayaa waxay tahay aniga oo isku xiriirinaya saddex shay: i) magaca KOOFUR-GALBEED; ii) magaca ay noo taqaan warbaahinta ee ah Bay iyo Bakool; iyo iii) fahamka ay beesha caalamka naga qabto dad ahaan iyo degaan ahaanba (eeg sawirka hoose CIA Somali Clan Map). Khaldaadka noocanoo kale ahna waxay inta ku dhacaan ummaddii aanay isku xirneyn SIYAASIYIINTEEDA iyo AQOONYAHANKEEDA. Maxaa yeelay haddii la doonayo siyaasaddu inay taabagasho waa inay leedahay marjac aqooneed ay u laabato taasoo daraasad joogta ah ku sammeeysa hadba tallaabadii

markaasi la qaadayo iyadoo laga eegayo faa'iidadeeda iyo khasaaraheeda si loogu gaaro ama looga feejignaado natiijada ka dhalan karta oo noqon karta horumar ama dib-u-dhac.

CIA Somali Clan Map

Isha xogta (source): Council of Foreign Relations (CFR) http://www.cfr.org/somalia/somalias-clan-families/p13315

Khariidaddaan oo ka mid ah boqolaal khariidadood ah wuxuu tusayaa sida ay qabto Hay'adda Mareykanka u qaabilsan SIRDOONKA ee loo yaqaan CIA ee ku aaddan qaabka ay beelaha Soomaalida u kala degaan gobollada dalka iyo tirada boqolleyda (percentage) ay beel waliba ka tahay tirada guud dadweynaha Soomaaliya.

Sida khariidaddaan ka muuqata gobollada Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose waxaa loo aqoonsan yahay beelaha Daarood. Halka Digil-i-Mirifle loo asteeyey keliya Bay, Bakool iyo Sh/Hoose. Waxaad aragtaa in beeshii caalamka xitaa ay rag waxaan jirin ku shubteen kana dhaadhiciyeen taasoo kasoo horjeedda xaqiiqada dhabta ahee waaqaca taabaneysa. Qof caddaan ah oo fadhiya xafiis ku yaala New York ama Nairobi, xogta uu haysto oo wax ku dhisayana ay tahay midda halka sare ku xusan, sideed uga dhaadhicin kartaa xaqiiqada dhabta ah ee ku aaddan dadka iyo degaanada Digil-i-Mirifle. Allaylahe waxaan marna la dafiri karin in aqoonyahanka Digil-i-Mirifle uu si aad ah u gaabiyey loogana dheereeyey xiriirka beesha caalamka.

Xogta ay bixinayso khariidaddaan waxaa ka muuqata laba cilladood oo aan u qaadan karno inay u dhaceen laba sababood dartood. Waa midda koowaade, magacyada beelaha Digil-i-Mirifle meesha kuma cadda halka beelaha kaloo dhan magacyada qabaa'ilada hoos yimaada ay ku cad yihiin! Waxaa meesha ka cad in si ogaal ah sidaa loo yeelay waayo haddii magacyada qabaa'ilka dhowr iyo soddonka ahee Digil-i-Mirifle meesha lagu soo qoro waxaa halkaasi ku bureysa beenta la dhoodhoobayo. Marka si aanay beentaasi u fashilmin waa in la qariyaa magacyadooda oo aan

meeshaba la keenin. Macquul ma ahan in la yiraahdo, '32+ qabiil Digil-i-Mirifle ah iyo waxaa is le'eg 5 qabiil Daarood ah'! Sidoo kale caqligaaba diidaya inaad tiraahdo, '32+ qabiil Digil-i-Mirifle ah iyo waxaa siman 6 qabiil Hawiye ah; 4 qabiil Isaaq ah'! Ceebey tacaal, waxaa kaloo dhici karta in beesha caalamka markay diyaarinaysay khariidaddaan la waayayba qof Digil-i-Mirifle ahoo (siyaasi ama aqoonyahan) arintaan wax laga weydiiyo si xog dhab ah meesha loogu soo qoro sidaa darteedna loo baneeyey halka ay ku qormi lahaayeen magacyada qabaa'isha Digil-i-Mirifle.

Cillada labaad ee markiiba kaaga muuqaneysa khariidaddaan waa boqolleyda (%) tirada beel walba lasiiyey waxaa lagu dhisay khaladkii markii horeba jiray ee ahaa in gobollada Gedo, J/Dhexe iyo J/Hoose lagu qoray Daarood! Waa khalad lagu dul dhisay khalad kale taasoo ku tuseysa sida aanay sheegashadani raad for u lahayn. Kaba soo qaad in waqti xaadirkaan aan joogno saddexdaas gobol ay ku noolyihiin dad kasoo kala jeeda Digil-i-Mirifle oo ah dadkii degaanka lahaa iyo Daarood oo ah kooyto, maxaa haddaba keenay in Daarood loo aqoonsado? Jawaabta keliya ee aan u hayo su'aashaas waa iyagoo nagaga fara dhuudhuuban xiriirka beesha caalamka taasoo u suura gelisay inay beentooda u gadmanto waayo Soomaalidu waxay tiraahdaa, “Dhery langki ng dhowa ku laf biye”. Mar labaad eeddu waxay u noqoneysaa qof walboo qabtay ama haya xil siyaasadeed ay ummaddani leedahay. Waxaa kaloo iyana aan ka dhicin qoladaas waa AQOONYAHANADA Digil-i-Mirifle oo ka gaabiyey kaalintooda kaga aaddanayd diyaarinta, faafinta iyo ka dhaadhicinta beesha caalamka xaqiiqda dhabta ah.

Anniga dan kama lihi sawirkaan unuu yahay mid rasmiya iyo inaanu ahayn, waxa iga khuseeya waa inuu sawirkani ka mid yahay xogta ugu horeysa ee uu heli karo qof walboo doonaya inuu wax ka ogaado dadka iyo degaanada Soomaaliya.

La soco qeybta labaad……………..

Isaak Hassanow

Melbourne, Australia

Unishef@live.com

zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.