LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Fadlan gacan ka geyso nolosha wiilkaan yar. (Sawiro)

Maalinkastaba waxaan aragnaa abuurista Eebe iyo mucjisooyinka la socda, hadaba magaalada Baydhabo gaar ahaan isbitaalka guud ee magaaladaas ayaa waxaa ku jiro wiil yar oo dhabarka ku leh buro weyn oo weliba banaanka soo taalo sida aad ka aragtaanbo sawirada wiilka yar.

Wiilka oo lagu magacaabo Aadan Macalin Xasan ayaa ay xaaladiisu liidataa ayada oo aan magaalada Baydhabo wax lagaga qaban karin balse loo baahanyahay in meel wax looga qaban karo xaaladiisa loo raadiyo.

Hooyada dhashay wiilkaan oo lagu magacaabo Dhaahiro Maxamed Cabdi ayaa sheegtay inaysan ayada iyo seygeeda Macalin Xasan Mustaf aanay awoodin kharashaadka ku baxayo qaliin lagu sameeyo wiilkaan yar, hadaba cidkasta oo wax u qaban karto wiilkaan ama gacan ka geysan karto xaaladiisa waxaa laga codsanayaa inay la xiriirto waalidka dhalay wiilka yar ayada oo lagala xiriiri karo teleefoonka ah 00252615812009.

cheap priligy onlinel yar5″ src=”http://baidoamedia.com/wp-content/uploads/2012/12/wiil-yar5.jpg” alt=”" width=”640″ height=”440″ />

Sawiradaan waxaa nasoo gaarsiiyay walaalaha  kala ah isla markaasna u istaagay dib u dayactirida isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo.

C/siis Sheekh Nuurow 
Aadan  Keerow iyo 
Axmed Ibraahim Maxamed ” Karbur”

Baidoa media.

zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.