Thursday, May 23rd, 2013

Fadhigii ugu horeeyay ee uu shir gudoomiyo gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka oo ka furmay Muqdisho.

Waxaa goor dhow ka furmay magaalada Muqdisho fadhigii ugu horeeyay ee uu gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Prof. Jawaari gudoomiyo.

Kalfadhiga maanta oo ka furmay Iskoolo Pluzio ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa qaabka ay u dhacayso doorashada madaxweynanimada dalka Soomaaliya iyo goorta ay dhacayso.

Waxyaabaha kale oo looga hadli doono ayaa waxaa kamid ah ajandayaal uu guddoonka saare ee baarlamaanka soo diyaariyay.

Arinta xiisaha gaarka leh ayaa waxa ay tahay inay goob joog ka yihiin madasha shirka baarlamaanka hogaamiye kooxeedyadii dib uu u celiyay magacyadooda gudiga farsamada ee soo xulista xildhibaanada kuwaasoo ay maxkamada sare u fasaxday inay kamid noqdaan baarlamaanka loona sameeyay kaararkooda aqoonsiga.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply