Fadhi ku dirirka iyo Faallada Shacabka Q1AAD‏

Waxaa dadkoo dhami sugayaan dhawaqa hadba ka soo yeedhaya dhanka wadanka, haba u badnaadaan dadka aan ku sugnayn Caasimadda Muqdisho, oo iyagu goobjoog ah maahee Gobollada dalka iyo Qurbajoogtuba waxay had iyo jeer isha iyo dhegta ku hayaan warbaahinta, haddaba sheekada shacabka iyo maalmahan halka ay marayso iyo waxyaabaha ugu badan hadalhaynta ayaan qormadan ku eegi doonnaa.

Xaaji Doonbir: Malese waa baxay! Mahigena wa ku xigaa, Madax badan oo aan hore u naqaanay meesha waa ka baxayaan, kuwa madasha haddaba kama muuqdaan, dar cusubna waa soo socdaan Ilaahayoow barbarkooda san na soo xeji.

Xaaji Damal. Dalkii ku meel gaadh waa ka baxay! Sida nalagu yiri, aan se filayo inaysan ahayn, Dastuurkiina waa la ansixiyey, lase meelmarshay sida muuqata, walow si ku meel gaar ah loogu sii dhaqmi doono, Dowlad cusubna waa dhalanaysaa, doorashana waa socotaa, balse, kursigaa Dahabka ah tolow yaa ku dulaalidoona oo dushiisa ku fariisan doona?!

Xaaji Damac: Hadde dagaal oogayaashii koonfureed xilkii waa loo diiday, Dambiilayaashii wadaadada ahaana waa loo diiday, Dab huriyayaashii, dillaaliintii, dooxatadii, dabadhilifkii, beel doonayaashii reer barrigana waa lagu daray, belo, Wallee bahashii siyaasad ahayd boqol iyo bun ayaan ku qaadnay, haddii waxaan rabno la diidana wax kala soconahayaa ma jiraan, dowladnimo aanan hoggaaankeeda ahayna yeeli mahayno, aqbali mahayno, hadee waa kaas.

Xaaji Daacad: Waxaan aad ula yaabay ninkan Xaaji Damac ah, miyaanu is bedelayn 52 sano ee aan xorta ahayn, yeelimahayo, socon mahayso, nalagalama tashan, nama metelo, waan ka soo horjeednaa maahee miyaanu wax kale aqoon? Dalku inuu ummadda Soomaaliyeed ka dhaxeeyo, oo qof weliba xaq u leeyahay miyaanu ogayn, aan ku weydiiye Damacoow dalkeena ma inaan dumminnaan ka shaqaynaa mise inaan dib u dhisno?!

Xaaji damacoow dowladnimadiyo

 

Danta guudiyo, dalkanoo dego

 

Daalinimee tee doorbidaysaan?

 

Oo dantiina ah, diiday samahee

 

Dacaruun baad, daa’im laaqdaa

 

Way dillaantaye, dib usoo noqo

 

Yaadan duukhino, daw ka haadine

 

Xaaji damac: Weger war heedheh bahashani waa siyaasad, Siyaasadani daacadnimo waxba kuma laha, wax daallin la yidhaahdaa ma jiro, ee waa ninkii dooddiisa socodsiin kara ee dalka hoggaankiisa qabta ayuunbaa daacada,

 

Xaaji Daacadowdowladnimadiyo

 

Daacadnimo waa laba kala dedan

 

Oon is daakhilin, oo dal wada degin

 

Laysku darinoo, laysla doonane

 

Waa Dab iyo Gaas, waa dad iyo bahal

 

Haysku duminoo, haysu doonine

 

Doodda iga daa, oo dantaa garo

 

Dabci aan go’in, ha ku daaline.

 

Xaaji Dowlad: dalkaan dad kalaas gacanta ugu jiraa waa is daalinaysaan, ninkii dadkaas waxay rabaan u samaynaa, dib aa loo soo doorahaa, ninkii diida ama dantooda ay ka arki waayaan, dibaddaa loo saara, taa waxaa daliil u ah, baarlamaanka dad aa loo diiday dadkii loo diiday iyo shurudihii lagu diiday, dadka qaarna waa qabteen qaarna ma qabanin, Ilaahay xaqiis miyaa yaa la gaadaa maxaa beenta laysugu sheegaa asxaabeey?

Xaaji Darwiish: Wallaahay fekerkaa uu qabo Xaaji Dowlad ayaan la qabaa, waxaaba kaaga daran, sawtii la yidhi maaha saxeexayaashu waxba xuli maayaan, anaga kuwayagii Faroole ayaaba looga taag waayey, weligay tanoo kale ma arag! Mahigena wuxu ku leeyahay,Faroole Odayaasha Dhaqanka ayuu ka mid yahay, marna waa madaxweyne labada dhinacba waa ku jiraa, markaanu u sheegnay ee nidhi adeer xitaa Dhaqanka waxba isuguma kaaya darsana, wuxuu ku jawaabay, Daraawiish Puntland iyo Garoowe Puntland ayaad tihiin sidaa awgeed isku mid .

Xaaji Damac: War heedhe Darwiishoow, iminka taasi dood uma baahna waraaqo ayaan gudbisanay anagu dalka iyo dadka Soomaaliyeed inaanu nahay 75% majooraty, Puntland oo Gedo, Baydhaba, Buurhakaba, Jubbooyinka, Sool, Sanaag, Garoowe, Bari, Mudug iyo Banaadir, aan nahay dadka ugu badan ee ku nool, markaa Mahige warqadaas ayuu haystaa waxaad ka sheekaynaysana ma yaqaan,Banaadir ayaa na la ka diiday, oo waxoogaa socon wayday maahee inta kale waa nala ka yeelay, Faroolena intaas oo Gobol isagabaa soo xulaya ergadooda iyo xildhibaanadooda, boowe ninba dhan u badi.

Xaaji Diini: Alaahu Akbar, waxaan aad ugu qoslay Xaaji Damac miyaanu ogayn in Soomaalidu ku maahmaahdo, Puntland beenteedu ma dhamaatoBoohin caruureedna ma dhamaato? War heedheh, 135 Oday ayaa wax xulay beelaha Soomaaliyeed iyagaa ergooyinka iyo Xildhibaannada loo keenay inay Xulaane ma Faroole ayaa Isim iyo Duub haddana noqday wallee waa yaab?!

Xaaji Daahir: Marka baarlamaanka la doorto, ee Madaxweynaha la doorto ayaa la kala baxayaa ama Dowlad Soomaaliyeed oo lagu qanacsan yahay ayaa dhalanaysa, ama Maxmiyaddii la sheegayey dadkii wadi lahaa ayaa iman doonaa waxba hays daalinnina, dadkan aad sheegaysaa waa dad hore loo diyaariyey oo inay dano shisheeye fuliyaan meesha u jooga, dalka oo dhan hal magaalo oo Soomaali ka arrimiso ma jiro, Bulshada Caalamka ayaa dalka ka talisa siduu Xaaji Dowlad u sheegay yaan lays daalin wax la dooranayo iyo cid wax dooranaysaa toona ma jirtee.

 

Daallinkaa madaxa

 

Daacadaa manjo ah

 

Dulligaa Sharaf ah

 

Sumcaddaa dacar ah

 

Aqoontu waa dibadda

 

Jahligaa degel leh

 

Diradiraale gob weeye

 

Isu dumiye gun weeye

 

Dal jacaylku sun weeye

 

Dillaalkaa dawo weeye

 

Dad isku dooranaya

 

Oo dan moodahaya

 

Miyaa dowlad abuuri

 

Qaran daadihin doona?!

 

Xaaji DamalXaaji Daahiroow in lagu dilo ka biqi maysid miyaa? Sababtoo ah, waxaa hadda laysku dilaa maxaad wax u ogaatay? Maxaad wax u fahantay? Yaa ku yidhi dareen yeelo? Miyaadan maqal maansadii Qaswade ee uu Mahige lahaa :

 

Wuxuu yidhi Qawaarkii

 

Ileen waa ma quustee:

 

Qudbad ruuxa qaban kara

 

Qolo ruuxa shirin kara

 

Qormo ruuxa qori kara

 

Qalad ruuxa sixi kara

 

Qasdi ruuxa fulin kara

 

Qaran ruuxa wadi kara

 

Quraan ruuxa marin kara

 

Qiil ruuxa heli kara

 

Qodob ruuxa sugi kara

 

Qayb ruuxa fali kara

 

Qalalaase damin kara

 

Qaswadaan u bixiyoo

 

Danbi baan ku qoraaya

 

Quful baan ku xidhayaa

 

Qabbir baan la dhigayaa

 

Qiilna waan u haysta

 

Xaaji Dayr: Aniga waxaan leeyahay, waa su’aale ninkii xun qabiilkiisa ma ka maarmaan miyaa? Waxaan saas u dhahayo, hadda dad badan ayaan ognahay oo xun xun oo Soomaalinimo, walaalnimo, dadnimo rabin, haddana, weli hebel ayaa la dhahooyaa, nin jeclaysiga laguu sheegayo saas lee waaye, haddii hadda magacyadooda sheego, liiska xildhibaanada waa ku jiraan, maamullada madax ay ka yihiin, wasaaradaha dowladdana waa joogaan, dalka ayagaa masuul ka ah ayaa lagu dhahaa, nin afkiisa wax wanaagsan ka sheegayn, weligiis wax wanaagsan qabanin, weligiis meel wanaagsan lagu arkin, sidee wax wanaagsan u samayhaa yaab maahinoo?

 

Ninkii xun xooraa, haylayska xooro

 

Xaashee dambiile, halayska xooro

 

Niman xishoonin, halayska xooro

 

Xamaasad beere, halayska xooro

 

Xinjira shubaaye, halayska xooro

 

Xoola dhacaaye, halayska xooro

 

Xadgudub sameeye, halayska xooro

 

Xabbad gamaaye, halayska xooro

 

Xisaab qaldaaye, halayska xooro

 

Shacab xadaaye, halayska xooro

 

Xidid ma dhaafe, halayska xooro

 

Xabaalo badshe, halayka xooro

 

Xulufo Xabashi, halayska xooro

 

 Waddani xariir ah, hala xambaaro

 

Dalkiis xoreeye, hala xambaaro

 

Xumaate diide, hala xambaaro

 

Samaan u xayte, hala xambaaro

 

Nabad xasiliye, hala xambaaro

 

Xalaasha miirte, hala xambaaro

 

Qalinku xaale, hala xambaaro

 

Gumaysi xaaqe, hala xambaaro

 

Xabadda jooje , hala xambaaro

 

Xadkeena dhawre, hala xambaaro

 

Xeerbeegtideena, hala xambaaro

 

Diinteena xeershe, hala xambaaro

 

Xabashi diide, hala xambaaro

 

 Todobaadkan halkaas ha inoo joogto qormadii Fadhi ku dirirka & Faallada Shacabka

 

La soco Qaybta labaad

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr



NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID