Sunday, May 26th, 2013

Fadeexada madaxda Soomaaliyeed iyo lacagaha ay dhaceen.

Shariif Xasan: 

Warbixintu waxa ay ku eedaysay Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu bililiqaysi ku hayay lacago tan iyo markii laga dhigay wasiirka maaliyada ahna raisalwasaare ku xigeen.
Shariifka waxa uu lunsaday lacag 3 000 000 dollar, sadex milyan oo dollar sanadii 2009kii taasoo ay ku deeqday dowlada Cumaaan.
Waxa uu sidoo kale Shariif Xasan lunsaday lacag 1000 000 dollar, hal milyan dollar oo ay siisay shirkada SKA oo uu isaga ku abaal mariyay maareynta iyo gacan ku haynta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cade.
Shariif Xasan iyo rafiiqiisa xaga ganacsiga, Shariif Baclaawi, agaasimaha guud ee laanta socdaalka jeneraal Gaafoow iyo ambaasadoor Cabdulqaadir Sheekheey, qunsulka guud ee safaarada Iimaaraatka waxaa la sheegayaa inay qayb ka leeyihiin shirkada Mondial
Shariif Xasan waxaa la sheegaa inuu ku lug lahaa wax isdaba marin xaga baasaboorka cusub ee Soomaaliga kaasoo qaarkiis la siiyay xubno katirsan ururka Alshabaab. Dhanka kale Shariifka waxaa lagu eedeeyay inuu dowlada Suudaan kula heshiiyay soo daabicida lacag shilin Soomaali ah oo kala ah 1,000, 2000, 10,000, 20,000, 50,000 and 100,000 taasoo qiimaheedu dhamaa wax ka badan $150 million dollars.

 Cabdiweli Cali Gaas.

Raisalwasaare Gaas waxaa lagu helay dembi ah inuu warqado u qoro laamaha canshuuraadka si looga dhaafo canshuuraad shaqsiyaad iyo shirkado uu sheego inay dowlada KMG Soomaaliya adeegyo u qabtaan.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa inuu raisalwasaare Gaas iyo raisalwasaarihii hore, Farmaajo ay si qalad ah u maareeyeen lacag dhan 15 milyan oo doolar taasoo ay dhiibtay dowlada Imaaraatka, balse raisalwasaaruhu waa uu inkirayaa lacagtaas isaga oo taas bedelkeedna ku eedeeya xukuumadii raisalwasaare Farmaajo inay lunsatay 3.5 milyan dollar, sadex iyo bar milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Dhanka kale raisalwasaare Gaas waxaa lagu tebayaa xafiiskiisa lacag 1 milyan oo doolar taasoo ay ku yaboohday dowlada Koonfurta Suudaan si loogu hagaajiyo adeegyada dhulka Alshabaab laga saaray ee caasimada Muqdisho. Warbixinta ay kooxda dabagalka Soomaaliya kasoo saartay lacagaha la lunsaday iyo musuq maasuqa ayaa ku eedeeyay sadexda qof ee ugu sareyso dowlada KMG Soomaaliya ee kala ah madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka iyo raisalwasaaraha ay musuq maasuqaan 30% dakhliyaadka soo gala dowlada.

Raisalwasaarihii hore ee TFGda, Farmaajo:

Raisalwasaare Cabdiwelie Gaas waxa uu sheegayaa in raisalwasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu si qalad ah u is ticmaalay 3.5 milyan oo dolar oo kamid ah 10 000 000 toban milyan oo dolar oo ay ku deeqday dowlada Imaaraatka.

Kooxda la socoshada arimaha Soomaaliya waxa ay xaqiijisay inay dowlada Imaaraatka ku yaboohday toban milyan oo dollar xiligii uu raisalwasaare Farmaajo xilka hayay shan milyan oo dollarna in loogu deeqay xukuumada hada ee raisalwasaare Gaas.

Lacagahaan ayaa gebi ahaanba la dhigay bankiga dhexe balse raisalwasaaruhu waa uu sharixi waayay sababaha wasiirka maaliyada uu u sheegay in lacagta bankiga la dhigay iyo tan lasoo gudbiyay ay kala badanyihiin.

Kooxda la socodka Soomaaliya ayaanan weli wareysan raisalwasaarihii hore.

Shariif Sheekh Axmed:

Warbixintu waxa ay tilmaameysaa in madaxweyne Shariif iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan ay wada lun sadeen lacagta 3 milyan ee doolarka ah ee ay dowlada Cumaan ugu deeqday hay’ada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya. Sidoo kale warbixintu waxa ay muujineysaa in ambaasadoor Sheekhey oo kamid ah dadka ay lacagaha deeqaha ah ee dalka Cumaan ay usoo gacan galaan .

Sidoo kale warbixintu waxa ay muujineysaa in shirkad lagu magacaabo A.S.M.J generala trading taasoo uu madax ka yahay Cabaas Sheekh Maxamed Jimcaale oo ah ganacsade ay isku heyb yihiin madaxweyne Shariif oo ay Abgaal/Harti/Agoonyar wada yihiin islamarkaasna saldhigiisu yahay dalka Kenya uu kamid yahay dadka ay u gacan gasho lacagta ay ku deeqdo dowlada Cumaan.

Intaas waxaa dheer in 30 boqolkiiba dakhliga ay TFGda isticmaasho ku dhowaad rubac ay soo marto xafiisyada madaxda sare ee dowlada. Sanadii 2011 sadexdaan masuul waxa ay isticmaaleen 12.6 milyan oo dolar taasoo ka dhigan 23 boqolkiiba guud ahaan lacagaha loogu talagalay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo dhan 13.4 milyan oo dollar ama lacagaha ay wasaaradaha adeegsadaan isku darkooda oo dhan 15.4 milyan dollar ah.

Cabdiraxmaan Faroole:

Madaxweyne Faroole waxaa la sheegayaa inuu shirkado siiyay khandaraasyo isaga oo ku xadgudbay cuna qabateyntii UNka ee UNSC taasoo saarnayd Soomaaliya gaar ahaan xaga hubka.

Warbixintu waxa ay sheegeysaa in madaxweyne Faroole uu khandaraasyo siiyay shirkada Africa Oil isaga oo taas dhaafsiistay faa’idooyin kasoo galay xiriirinta hay’ad xaga amaaka ah oo Soomaali ah iyo Africa oil, hay’adaasoo lagu sheegay inay tahay Puntland Exploration Security Unit. Dhanka kale madaxweyne Faroole waxa uu khandaraasyo siiyaa shirkado xaga amaanka ah oo ku xad gudbo cunaqabateynta UNka ee xaga hubka ah.

 

Waxaa turjumay baidoamedia.com

Xigasho: International monitoring group


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to Fadeexada madaxda Soomaaliyeed iyo lacagaha ay dhaceen.

  1. ALLAA WEYN says:

    Somalia waxaa adag nin daacad ah inuu madax ka noqdo. Sababtana ma garanaayo. Diinta aan sheeganeyno, waxaan u qabaa iney tahay kaliya afka, iyo in Masaajidada aan buuxino, iska foorarsano shan jeer maalintii. Laakiin dhaqanka diinta iyo dowladnimada labadaba waa naga maqantahey.

    Ninka nin ugu khiyaamo badan ayaa dadku waxey u yaqaanaan, geesi,waxgarad, iyo inuu dadka hogaamin karo. Ninkii Alla ka cabsanaayo, cidda uu ka dhashey xataaa ma rabto.

    Allahayow na badbaadi.

Leave a Reply